Allbanaadir.com
NEWS

War cusub oo ka soo kordhay askarigii Mareykanka ahaa ee u baxsaday W/Kuuriya

Askari Mareykan ah oo orod ku galay xadka Waqooyiga Kuuriya muddo labo bilood ah ka hor ayaa la sii daayey

Inta aan dib loogu celin Mareykanka ayaa lagu wadaa in uu maro baaritaan caafimaad iyo su’aalo badan oo ku saabsan waqtigii uu ku sugnaa dalkaasi go’doonsan isagoo wajahaya dacwado la xiriira nidaamka cadaaladda ee militariga.

Travis King ayaa bishii Luulyo ka gudbay xadka sida adag loo ilaaliyo ee Kuuriyada Koonfureed wuxuuna noqday qofkii ugu horreeyay ee Mareykan ah oo lagu xiro Kuuriyada Waqooyi muddo ku dhow shan sano.

Pyongyang ayaa si lama filaan ah Arbacadii ugu dhawaaqday inay eryi doonto askarigan oo labo bilood ku xirnaa xabsi ku yaalla dalkaas, waxaana Khamiistii loo duuliyay Saldhig Ciidamada Cirka ee Texas.

King, oo 23 jir ah, waxa uu Ciidanka ku biiray January 2021-kii, waxana uu joogay saldhiga Mareykanka ee Kuuriyada Koonfureed isaga oo u soo indha-indheynayay qaybta 1aad ee gaashaaman, sida ay sheegeen saraakiisha ciidammada.

Saraakiisha ayaa sheegay in king oo ganaax anshax marin ah lagu xukumay loo kaxeeyay garoonka, isla markaana loo galbiyay illaa Kastamka. Laakiin halkii uu ka raaci lahaa diyaaradda, wuu ka tagay isagoo markii dambe ku biiray koox dalxiisayaal rayid ah oo ku socday tuulada Panmunjom ee xuduudda Kuuriya Woqooyi halkaasoo ii si ulakac ah uga gudbay.

Wakaaladda wararka ee Kuuriyada Waqooyi ayaa sheegtay in King uu sheegay in uu dalkaas u soo galay sababo la xiriira, iyadoo ciidamada mareykanka ay ula dhaqmeen qaab midab takoor ah maadaama uu yahay askari madow ah.

Hase ahatee Saraakiisha Mareykanka ayaa shaki galiyay run ahaanshiyaha hadaladaas, waxaana King hooyadiis, Claudine Gates ay u sheegtay wakaaladda wararka ee Associated Press ineysan waligeed maqlin isagoo muujinaya aragtiyahaas.

Related posts

Xassan Shiikh oo hal arrin uga mahad celiyey dowlada Turkiga (Sawirro)

Caydiid Ali

Axmed Madoobe oo Guddi u magacaabay Xaalada Degmo katirsan Gobolka Gedo (Sawirro)

Cabdi Cade

Saacad Duug ah uu lahaa Mahatma Gandhi oo lacag qaali ah lagu iibsaday !! (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---