Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Turkiga oo ciidamo hor leh u tababaraya dowlada Soomaaliya (Sawirro)

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Gaashaandhigga oo maanta tababar u furay saraakiil iyo saraakiil xigeenno ka mid noqonaya ciidanka Xoogga dalka.

Wasiiru dowlaha Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya Mudane Cabdinuur Daahir Fiidow ayaa maanta dugsiga tababarka C.X.D.S ee Turk-Som tababar uga furay dhallinyaro da’yar ah oo kusoo biiray ciidanka Xoogga dalka kuwaas oo casharada tababarkooda bilaabaya sanad dugsiyeedka 2023-2024.

Saraakiisha tababarka loo furay ayaa sidoo kale goobta lagu dhaariyay maadaama ay soo dhammeysteen dhibbowga ciidannimo.

Wasiir Cabdinuur ayaa ciidanka uu tababarka u furay kula dardaarmay in ay muujiyaan karti iyo firfircooni dheeraad ah waxa uuna ku ammaanay in ay doorteen difaacidda Diinteena, Dadkeena iyo Dalkeena.

Wasiiru dowlaha Wasaaradda Gaashaandhigga ayaa kaga mahadceliyay Madaxweyaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Mohamud, sida ay ka  go’antahay dib u dhiska ciidanka xooga dalka soomaaliyeed iyo la-dagaalanka iyo ciribtirka  al-shabaab

Sidoo kale waxa uu mahadcelin u jeediyay dowladda aan walaalaha nahay ee Turkiga iyo macalimiintooda isagoo sidoo kale ku ammaanay saraakiisha Soomaaliyeed ee qeybta weyn ka qaatay fulinta iyo isku dubbaridka tababarkan.

Munaasbada waxaa ka qeyb galay Taliye Xigeenka CXDS Janaraal Maadey Nuur Sheekh Ufurow ,Taliyaha Ciidanka Cirka XDS  Janaraal Maxamuud Sheekh Cali (Dable Baylood) & Saraakiil ka kala socotay Ciidanka Xoogga Dalka & Dowladda Turkiga.

Related posts

Dowlada Somalia oo Shaacisay in si deg deg ah ula wareegeyso Ciidamada Imaaraatka ay tababareen 

Cabdi Cade

Somalia & UAE oo ka heshiiyey deyn ku dhow $260 Milyan

Caydiid Ali

Labo kamid ah Musharaxiintii u taagneyd Xilka Madaxweyne kuxigeenka Galmudug oo tanaasulay

Cabdi Cade
Taboola Ads ---