Booliska dalka Norway ayaa faafiyay sawirka Alwan Ahmed Alawneh oo ah aabaha gabar sideed sano jir ah oo shaley meydkeeda laga helay guri kuyaal magaaladda Kristiansand.
Waxaana sidoo kale isla gurigaas laga helay meydka hooyada dhashay oo lala dilay gabadheeda sideed jirka ah,
Alwan oo 46 sano jir ah ayaa lagu eedeeyay dilka gabadhiisa iyo hooyadeed, waxayna boolisku sheegeen in ninkan uu ka baxsaday Norway. Baadigoobna loogu jiro sidii gacanta loogu soo dhigi lahaa, iyada oo lala kaashanayo hey adda booliska caalamka ee interpol.
Ninka dilka ku eedeysan ayaa ah Falastiini heysta dhalashada Norwey Waxayna boolisku sheegeen in ilaa hadda uu isagu yahay tuhmanaha koowaad ee lagu eedeynayo falkan dilka ah ee loo geystay gabadha yar iyo hooyadeed.
Booliska ayaa dhanka kale sheegay inay wali wadaan baarintaanadda farsamo iyo xog ururineed ee kiiskan, ayna dhici karto iney soo baxaan dad kale oo lagu tuhmayo ku lug lahaanshaha kiiskan.