Allbanaadir.com
NEWS

Dowlada oo loogu baaqay in ay xirto Safaaraadka Imaaraatka ee Muqdisho dalkana ka saarto Diblumaasiyiinta Imaaraatka

Gudoomiye kuxigeenkii hore ee Baarlamaanka Dalka Kenya Faarax Macalin ayaa ka hadlay xiisada Siyaasadeed ee Soomaaliya ka taagan gaar ahaan faragalinta dowlada Imaaraatka ku heyso siyaasada Soomaaliya.

Qoraalka uu Siyaasiga Faarax Macalin soo dhigay bartiisa Twitterka ayuu ugu baaqay Madaxweynaha Soomaaliya iyo Ra’isul Wasaaraha in dalka ka saaraan Diblumaasiiina u dhalatay Imaaraatka.

Waxa uu sidoo kale Faarax Macalin ugu baaqay Madaxda dalka in gabi ahaan la xiro saldhigyada Milatari ee Imaaraatka Soomaaliya ka furatay iyo sidoo kale safaaradooda kutaala magaalada Muqdisho.

” Farmaajo iyo Kheyre, ka saara Imaaraadka Muqdisho,Ilaahay dartiis, oo xira safaaraddooda, saldhigyadooda Milatari ee Muqdisho, haddii sirdoonkiinnu hayo caddeymo ku filan in Imaaraadka Somaliya ka wado argagixisannimo, arrintan la taga Qaramada Midoobey,ha sugina ilaa ay Soomaaliya ka dumiyaan”.  Ayuu yiri Faarax Macalin.

Dowlada Imaaraaka Carabta ayaa xiligan faragalin siyaasadeed oon qarsooneyn ku heysa Dowlada Soomaaliya, waxa ayna dowlada Imaaraatka dhaqaalo badan ku bixineysaa sidii Mucaaradka u ridi lahaayeen Dowlada Farmaajo hogaamiyo.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Masuuliyiin kormeeray Suuq Dagaal ku gubtay (Sawirro)

Cabdi Cade

Galmudug oo Diyaarisay Ciidamo badan oo fulinaya howlgalo ka dhan ah Al Shabaab (Sawirro)

Cabdi Cade

Dowladda Soomaaliya oo si rasmi ah u saxiixday Heshiiska Makka ee…

Cabdi Cade
Taboola Ads ---