Waddamada ay ciidamadu ka joogaan Soomaaliya ee Uganda, Burundi, Ethiopia, Kenya iyo Djibouti, ayaa taageeray codsgii madaxwenaha Soomaaliya ee ahaa in muddo saddex bilood ah sababo farsamo loo hakiyo bixintaanka wejiga labaad ee ciimadama ATMIS
Waddamadan oo qoraal rasmi ah u diray Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa sheegay inay taageero u hayaan codsiga Soomaaliya ee ah in bixitaanka 3,000 oo ciidanka ATMIS ah dib loo digo muddo 90-maalmood ah.
Waddamadan ayaa qoraalkooda ku ammaanay dowladda Fedeeraalka ah dagaalka ay kula jirto Al-shabaab.
Dowladda Soomaaliya ayaa codsigeeda sal uga dhigtay in dhammaan xaaladaha taagan aysan oggolaaneyn in ATMIS ay ka wada baxaan fariisimaha ay dalka kaga sugan yihiin.
Midowga Afrika ayaa horey u diiday dalabka ka yimid DF ee sheegaya in dib loo dhigo wejiga 2aad ee dhimiska ciidamada ATMIS oo la filayey in maalmahan uu dhaqan galo kaasoo lagu waday in dalka looga saaro illaa 3000 kun oo askari.