Ciidanka booliska dowlad goboleedka Puntland ayaa hawl-gal ay fulliyeen ku guuleystay inay gacanta kusoo dhigaan, nin ajnabi ah oo katirsanaa kooxda Daacish ee ku sugan qeybo kamid ah deegaannada Puntland.
Hawl-galka oo oo booliiska ka fuliyeen agagaarka Degmadda Uffeyn ee gobolka Bari ayaa lagu qabtay Axmed Xuseen Ibraahim oo ahaa xubin sare oo ka tirsan ISIS/Daacish, kaa oo dhalasho ahaan ka soo jeeda dalka Suudaan.
Booliiska Puntland ayaa sheegay in qabashada sargaalkan ay ku soo aaday xilli kooxda argagixisada ee ISIS/Daacish kordhiyeen xubnaha Ajenibta ee kaga imanaya dalalka shisheeye si ay uga dhinac dagaalamaan.
Ciidamada maamulka Puntland horray waxa ay hawl-galo ku dileen kuna qabteen xubno ka tirsan Kooxda Daacish oo ajaaniib ahaa , kuwaa oo dhaalasho ahaan kasoo jeeday dalalka Suuriya, Suudaan, Itoobiya, iyo Yemen .
Qabashada sargaalkan katirsanaa kooxda Daacish ayaa imaanaya, xilli dhawwaan ciidamada Puntland shaaciyeen in ay heleen meydka sargaal ajanabi ah oo katirsanaa kooxda Daacish ,kaa oo u dhintay gaajo iyo harraad.