Allbanaadir.com
NEWS

Xukun maanta lagu ridayo Masuuliyiin iyo Saraakiil u xirnaa kiis Musuq maasuq

Maxkamadda gobolka Banaadir ayaa lagu wadaa in maanta oo Khamiis ah xukunno kala duwan ku rido masuuliyiin iyo saraakiil katirsan hay’adaha dowladda oo lagu soo oogay dacwado la xariira musuq maasuq.

Masuuliyiinta iyo saraakiisha maanta xukunka ku rideyso maxkamadda gobolka Banaadir ayaa muddooyinkii lasoo dhaafay dhageysiga dacwadaha loo heestay si toos ah uga socotay maxkamadda gobolka Banaadir.

Xubnaha xukunka la filayo in lagu rido ayaa isugu jira agaasimayaal katirsan wasaaradda shaqada iyo arrimaha bulshada, bangiga dhaxe, wasaaradda maaliyadda iyo sidoo kale hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha Soomaaliya.

Masuuliyiinta iyo saraakiisha lagu eedeeyay musuq maasuqa ayaa inta badan iska diiday in ay galeen dambiyada lagu soo eedeeyay, waxa ayna sheegeen in dambiyadaasi aysan gelin ayna jirin lacagta tirada badan ee lagu eedeeyay in ay xadeen.

Go’aanka maanta maxkamadda gobolka Banaadir kasoo saareyso kiiskan ayaa ah mid si weyn loo wada sugayo, waxaana jira masuuliyiin iyo xubno kale oo iyana xatooyo ku eedeysan oo dalka dibadiisa u baxsaday.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

 

Related posts

Madaxweyne Qoor Qoor oo kulmay Xildhibaanada laga soo doortay Galmudug

Cabdi Cade

Mareykanka oo ka digay weeraro ku soo wajahan qeybo ka mid ah Muqdisho

Caydiid Ali

(Akhriso) Dowlada Somalia oo sheegtay in boqol dagaalyahan lagu dilay weerarkii Galcad

Caydiid Ali
Taboola Ads ---