Labo baabuur oo laga soo buuxiyay qaraxyo ismiidaamin ah ayaa saakay lagu fashiliyay bannaanka magaalada Dhuusomareeb ee caasimadda Galmudug, xilli ay baabuurtaasi doonayeen in qaraxyada la galaan gudaha magaalada.
Ciidamada ammaanka ee ku sugan koontaroolo yaalla bannaanka magaalada ayaa la sheegay in ay kahor tageen qaraxyada, waxaana baabuurtan qarxeen xilli ciidamada la sheegay in rasaas ku ridayeen.
Warbaahinta dowladda oo baahisay in labada qarax ciidamada ku fashiliyeen bannaanka magaalada Dhuusomareeb, waxa ayna warbaahinta dowladda sheegtay in ciidamada hayeen xogta baabuurtan qaraxyada laga soo buuxiyya.
Qaraxyadan ay fashiliyeen ciidanka dowladda ayaan wali si rasmi ah loo ogeyn khasaaraha ka dhashay, waxa ayna warbaahnta dowladda sheegeen in qaar kamid ah askarta dowladda ku dhaawacmeen qaraxyadan.
Magaalada Dhuusomareeb oo bannaankeeda saakay ka dhaceen qaraxyadan ismiidaaminta ah ayaa waxaa ku sugan oo fariisin ka dhigtay madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh, oo halkaasi u tagay in u ka hoggaamiyo howlgalo ka dhan ah Al Shabaab.