Allbanaadir.com
NEWS

War cusub oo ka soo kordhay Safiirkii France ee diiday inuu ka baxo Niger

Safiirkii Faransiiska u fadhiyay Niger ayaa dalka ka dhoofay subaxnimadii saaka ku dhawaad hal bil ka dib markii ay dowladda militariga amar ku bixisay in dalka laga saaro.

Xiriirka u dhexeeya Niger iyo France oo hore u gumeysan jiray ayaa burburay tan iyo markii saraakiisha ciidamada ay la wareegeen awoodda bishii Luulyo.

Joogitaanka militariga faransiiska ayaa la soo afjarayaa sidoo kale, kuwaasoo la dagaalamayey kooxo Islaamiyiin ah oo dalkaas ku sugan.

saraakiisha Niger ayaa ku amray safiirka Faransiiska Sylvain Itte inuu dalka kaga baxo 48 saacadood gudahood dhamaadka bishii Agoosto, taasoo jawaab u aheyd waxa ay ku tilmaameen ficillo Faransiisku ku kacay oo ka soo horjeeda danaha Niger.

Faransiiska ayaa markii hore iska dhega tiray amarkaas, waxayna ku adkaysteen mowqifkoodii ahaa in dowladdii militariga aysan sharci ahayn, waxayna ku baaqeen in dib loo soo celiyo madaxweynihii la doortay ee Maxamed Bazoum, oo bishii July la afgambiyay.

Balse Macron ayaa Axaddii ku dhawaaqay in safiirku uu ku laaban doono Paris, ciidamada Faransiiskana ay ka bixi doonaan Niger.

Ilo dhanka ammaanka ah oo Niger ku sugan ayaa sheegay in danjire Itte uu ka dhoofay dalkaasi. Warkan ayaa markii dambe waxaa xaqiijiyay xafiiska madaxweynaha ee Paris.

Waxaa jiray ku dhawaad maalin walba mudaaharaadyo looga soo horjeedo Faransiiska ay ka dhacayeen Niamey tan iyo markii militariga uu xukunka la wareegay. Dad aad u tiro badan oo taageersan ciidamada milateriga ayaa maalmo ku sugnaa bannaanka xerada ciidamada Faransiiska si ay u dalbadaan bixitaanka ciidamada.

 

Related posts

Wasiir Goodax oo ka hadlay sida laga yeelayo ardayda Puntland ee aan gelin Imtixaanka

Caydiid Ali

Wararkii Ugu Dambeeyay Weerarkii Al Shabaab ku qaadeen Wisil iyo Khasaaraha ka dhashay

Cabdi Cade

Cali Guudlaawe oo booqday degmo cusub oo ay ansixisay Hirshabelle (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---