Allbanaadir.com
NEWS

Taliyaha Xoogga dalka oo kulan xasaasi ah la qaatay Saraakiisha ciidanka Danab

Taliyaha ciidanka xoogga dalka Jeneral Ibraahin Sheekh Muxyadiin ayaa kormeeray maanta taliska guutada 16-aad ciidanka kumaandoosta Danab.

Jeneral Ibraahin Sheekh Muxyadiin ayaa kulan la qaatay taliyaha guutada, taliye ku-xigeenka guutada iyo qaar ka mid ka mid ah taliye ururada guutada 16-aad Danab iyo Saraakiil kale.

Ujeedka kulanka ayaa ahaa siddii loo dardar galin lahaa hawlgalada ka dhanka ah Al-shabaab ee ka socda qeybo ka mid ah dalka, kuwaasoo ujeedkoodu yahay in la la ciribtiro kooxdaas.

Taliyaha ayaa ku bogaadiyey ciidanka Danab inay sii laba jibaaran dagaalka dalka looga xoreynayo Al-shabaab, isagoo xusay in ciidanka danab ay laf dhabar u yihiin ciidanka xoogga dalka

Ciidanka Danab ayaa kaalin xoogan kaga jirta dagaalka dalka looga sifeynayo kooxda Al-shabaab iyagoo ka hawlgalaya qaybo badan oo ka mid ah furumaha dagaalka.

 

Related posts

Somaliland oo si kulul uga jawaabtay qoraal ka soo baxay guddiga doorashada Somalia

Caydiid Ali

Nin Ajnabi ah oo xaaskiisa ku dilay magaalada Hargeysa oo gacanta lagu dhigay

Cabdi Cade

Wasiiro ka tirsan Xukuumada oo qorshe howledkooda u gudbiyey RW Xamse (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---