Allbanaadir.com
NEWS

Sargaal kaalin ku lahaa Dagaalkii Laascaanood looga saaray Somaliland oo la Dalacsiiyay

Wareegto uu soo saaray madaxweyne ku xigeenka Puntland ahna ku simaha madaxweynaha Axmed Cilmi Cismaan ayaa lagu dallacsiiyay sargaal katirsan ciidamada Puntland oo kaalin weyn ka qaatay dagaalka Laascaanood.

Axmed Karaash ayaa u dalacsiiyay taliye Dhakuul Beyr Xuseen in uu noqdo Sareeye Guuto , halka markii hore uu ahaa Gaashaanle sare, sargaalan ayaana katirsan ciidamada daraawiishta maamulka Puntland.

S/guuto Dhakuul Beyr Xuseen ayaa kamid ahaa saraakiisha hormuudka u ahaa in ciidamada maamulka Somaliland lagu jabiyo dagaalkii Laascaanood lagana saaro gabi ahaan magaaladaasi iyo deegaannada ku dhaw dhaw.

Dagaalka Laascaanood waxaa si weyn uga qeyb qaatay saraakiil iyo ciidamo badan oo katirsan maamulka Puntland, kuwaa oo dagaalka garab iyo gaashaanba ku siinayay ciidamada SSC iyo kuwa dadka deegaanka.

May be an image of ‎1 person and ‎text that says '‎DAWLADDA PUNTLAND EESOOMAALIYA XAFIISKA MADAXWEYNE KU-XIGEENKA الصومالية لاند بونت ولاية الرئاسة الرئيس نائب مكتب PUNTLAND STATE OF SOMALIA OFFICE OF THE VICE PRESIDENT Xeer Kusime Madaxweyne Lr42, September 25,2023, kuna Saabsan Dalacsiin Saraakiil katirsan Cildanka Daraawiishta Dawladda Puntland Kusimaha Madaxwaynaha Dowladda Puntland Markuu Arkay: Dastuurka Dowladda Puntland Markuu Arkay: Aqoonta, Kartida iyo Waayo aragnimadooda Ciidan Markuu Tixgeliyay: Talo Soojeedinta Taliska Ciidanka Daraawiishta Dawladda Puntland Wuxuu Xeeriyey:- 1.G/le Sare Dhakuul Bayr Xuseen X/le C/samad Muuse Xasan Waxaa lodalacsiiye S/guuto Waxaa loo dalacsiiyey Dhamme Xeerkani WUxuu dhaqan gelayaa Markuu Madaxweynuhu Saxiixo. Axmed Cilmi Cismaan K/s Madaxweynaha ghna Dawladda Puntland Tell: 0907379492‎'‎‎

May be an image of 1 person

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Madaxweyne Xasan oo shaaciyay Cawaaqib xumada ka dhalan karta xadgudubka Itoobiya

Cabdi Cade

(Daawo Sawirro) Masuliyiinta Galmudug oo markii ugu horeysay kulan ka soo muuqday iyagoo Mideysan

Caydiid Ali

Wasiirkii hore ee Arrimaha Dibada DF oo ku biiray xisbiga Waddani

Cabdi Cade
Taboola Ads ---