Waqooyi dalka Ciraaq magaalo kutaalla waxaa xalay ka dhacday musiibo dad badan aad uga naxeen, kaddib markii si lama filaan ah dab uga kacay goobta ay ka socotay xaflad aroos oo ay goobjoog ahaayeen dad aad u badan.
Xaflada arooska oo ka socotay xaafad katirsan degmada Al-Hamdaniya ee waqooyiga gobolka Nineweh ayaa waxaa dab qabsaday hoolkii xaflada, waxaana halkaasi ku dhammaaday dadkii goobtaasi ku sugnaa.
Warbaahinta dalka Ciraaq ayaa ku warantay in dabka ka dhashay rashka laga shiday dabaal-degga arooska, waxaana rashkaasi la shiday uu qabsaday walxo lagu dhisay hoolka ay xaflada arooska ka socotay.
Inta la xaqiijiyay 113-qof oo ku sugnaa xaflada arooska ayaa la xaqiijiyay in ay dabka ku dhinteen, waxaa sidoo kale ku dhaawacmay tiro kale oo aad u badan, waxaana dadka dhaawacmay ku jira kuwa dhaawacyo culus qaba.
Dadka musiibada dabka ku dhintay waxaa ku jira lamaanihii xaflada arooskooda loo joogay, waxaa sidoo kale dadka dhintay u badan yihiin ehelada lammaanaha arooskooda socday , waxa ayna tani noqotay musiibo dad badan aad uga naxeen.