Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Dabley hubeysan oo si arxan daro ah u dilay 15 qof, 60 kalena nolol ku watay

Dabley hubeysan oo dalka Nigeria ku sugan ayaa siddeed qof ku dilay ugu yaraan 60 kalena ka afduubtay laba beelood oo ku yaalla waqooyi-galbeed ee gobolka Zamfara, sida ay sheegeen dadka deegaanka iyo hoggaamiye dhaqameedka deegaankaas.

Dhacdadan ayaa timid ka dib labo maalmood markii rag hubaysan ay tobaneeyo qof ka afduubteen jaamacad ku taalla gobolka.

Dhinaca kale, gobolka waqooyi bari ee dalka ayaa kooxo looga shakisan yahay islaamiyiinta waxay weerar gaadmo ah ku qaadeen kolonyo gaadiid ah oo ay ciidamadu galbinayeen, halkaasoo ay ku dileen laba askari iyo afar qof oo rayid ah, sida ay sheegeen ilo-wareedyo ka tirsan booliiska iyo darawalkii goob-joogga u ahaa weerarka.

Kooxaha weerarka soo qaaday ayaa gubay shan gaari, waxaana ay wateen hal gaari sida uu sheegay goobjoogaha.

Madaxweyne Bola Tinubu ayaan weli cadeyn sida uu wax uga qaban doono amni darada baahsan. Dib u habayntiisa dhaqaale, oo ay ka mid tahay in meesha laga saaro kabkii shidaalka ee qaaliga ahaa iyo in la sii daayo lacagta Nayirka, ayaa kordhisay kharashka bixista, taasoo ka caraysiisay muwaadiniinta.

Dadka deegaanka ayaa sheegay in rag hubaysan ay aroornimadii hore ee Axadda isku dayeen in ay weerar ku qaadaan saldhig ciidan oo ku yaalla miyiga Magami ee Zamfara, balse waa la iska caabiyey. Zamfara waa mid ka mid ah gobollada ay sida ba’an u saameeyeen afduubyada madax-furasho ee ay gaysanayaan kooxo hubeysan oo gudaha looga yaqaanno burcadda.

Dabley hubeysan oo saddex kooxood ka kooban ayaa weerar ku qaaday saldhigga ciidanka iyo bulshada deegaanka Magami iyo Kabasa, sida uu sheegay hoggaamiye dhaqameed diiday in magaciisa la xigto sababo amni.

Wuxuu sheegay in 60 qof oo u badan haween iyo caruur la afduubtay.

“Burcaddu waxay wateen mootooyin badan oo qoryo iyo hub kale ah waxayna ridayeen rasaas teel-teel ah,” ayuu yiri Shucaybu Haruna, oo ka mid ah dadka deegaanka Magami oo la hadlay Reuters.

Afar qof ayaa lagu dilay weerarka, ayuu yiri Haruna, oo ka qayb galay aaskooda.

Isa Mohd oo ka tirsan beesha Kabasa ayaa sheegay in sidoo kale afar qof la dilay, tobanaan kalena la afduubtay.

Weerarada ka dhacay waqooyi galbeed ayaa qeyb ka ah amni darada baahsan ee ka jirta Nigeria. Dagaalyahannada Islaamiyiinta ayaa weli weeraro khasaare badan dhaliyay ka wada waqooyi bari, kooxo burcad ah iyo kooxo gooni u goosad ah ayaa weerar ku qaada ciidamada ammaanka iyo xarumaha dowladda ee Koonfur Bari, iska hor imaadyada ay ku lug leeyihiin beeraleyda iyo xoolo dhaqatada ayaa weli sii kordhaya khasaaraha nafeed.

 

Related posts

(Sawirro) Dowlado u gurmaday dab xoogan oo ka socda kaymaha gobolka Gironde

Caydiid Ali

Qarax gaari dameer lagu soo xiray oo lagu weeraray ciidan ka tirsan Boliska Kenya

Caydiid Ali

(Daawo) Xasan Shiikh oo arrimo xasaasi ah kaga hadlay khudbad uu ka jeediyey Villa Somalia

Caydiid Ali
Taboola Ads ---