Ciidamada booliiska maamulka Jubbaland ayaa howlgal ay ka sameeyeen magaalada Kismaayo kusoo qabtay wiilal iyo gabdho dhallinyaro ah , kuwaa oo lagu eedeeyay in jirdil xooggan oo ay u geesteen wiil dhallinyaro ah.
Gabdhahan ayaa la sheegay mid kamid ah in ay shukaansatay wiil dhallinyaro ah kaddibna ku ballamisay gurigeeda, waxa ayna gabadha guriga kusii diyaarisay afar wiil iyo gabar kale si ay jirdil ugu geestaan wiilka ay ballamisay.
Dhallinyaradan ayaana markii wiilka guriga ugu tagay ku bilaabay jirdil xooggan, waxa ay sidoo kale ka duubayeen muuqaalka si ninkaasi dhallinyarada ah loo jirdilayay uguna maadeesanayeen.
Taliska booliiska Jubbaland oo warbaahinta kula hadlay saldhigga lagu xiray dhallinyaradan ayaa sheegay in caddaaladda loo gudbin doono, waxa ayna taliska sheegeen in dhallintan ku kaceen fal aad looga xumaado.
Ugu Dambeyn taliska booliiska Kismaayo ayaa uga digay dhallinyarada ku dhaqan magaaladaasi in ay ku kacaan falalka anshax xumada ah ,sida midkan ay sameeyeen dhallinyaradan hadda xabsiga ku xiran.
Falkan ayaa daba socday fal dhawwaan duleedka magaalada Muqdisho labo haween ah ugu geesteen nin dhallinyaro ah oo guri ugu tagay, kuwaa oo si toos ah u duubayay muuqaalka jirdilka ahaa.