Allbanaadir.com
NEWS

Bangiga Somaliland iyo Milkiilaha World Remit oo isku dhegan iyo Xogta waxa ay isku hayaan

Waxaa meel xun gaaray khilaaf u dhaxeeya maamulka Somaliland gaar ahaan maamulka bangiga dhaxe iyo milkiilaha ahna guddoomiyaha shirkadda World Remit, oo ah shirkad lacagaha la isugu diro.

Qoraal kasoo baxay Bangiga Dhexe ee Somaliland ayaa lagu sheegay in sharciga ay la tiigsan doonaan milkiilaha shirkadda World Remit  oo uu ku eedeeyeen in warar aan run ahayn uu ka sheegay bangiga iyo madaxdiisa.

Bangiga Dhaxe ee maamulka Somaliland ayaa sidoo kale ku eedeeyay ganacsadahan in uu khalkhal ka abuuray suuqyada sarrifka iyo ha’adaha maaliyadda Soomaliland, iyaga oona ku hanjabay in ay la xisaabtami doonaan.

Dhinaca kale Qoraal uu soo saaray guddoomiyaha shirkadda World Remit Ismaaciil Axmed ayuu kaga hadlay eedeynta uga timid bangiga Dhaxe ee Somaliland iyo sidoo kale waxa sababay khilaafka taagan.

“Baanka Dhexe qoraal uu kaga jawaabay maqaalkii aan kaga hadlayay qiima-dhaca shilinka SL, waxa uu ku sheegay “In aanay jirin lacag uu soo daabacay Baanka Dhexe 7-dii sano ee u danbeeyay, imikana uma qorshaysna in uu soo daabaco lacag cusub oo culays ku sii abuurta suuqyada sarrifka iyo guud ahaan dhaqaalaha dalka.”Waxa aan halkan ku soo gudbinayaa qaansheegtii shirkadda lacagta daabacday ay soo dallacday. Waxa ku faahfaahsan qayb ka mid ah lacagaha loo diray shirkaddan oo dhan $1,902,587.10.” ayuu ku yiri qoraal uu soo saaray Ismaaciim Axmed.

Ganacsadahan ayaa sheegay inuu ku talinayo in arrintan wax laga qabto lana joojiyo lacagaha malaayiinta ah ee uu sheegay in loo adeegsado in lacago cusub lagu soo daabaco, taas beddelkeedana codsaday in sare loo qado shilinka Somaliland.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Afhayeenka ONLF oo shaaciyey hal qodob oo aysan weligood ka tanaasuli doonin

Caydiid Ali

Dowlada Itoobiya oo amar ku bixisay in xabsiga la dhigo Taliyihii hore ee Sirdoonka

Caydiid Ali

Milatariga Itoobiya oo shaaciyay Magacyada Saraakiil sar sare oo Tigrey ah oo la laayay

Cabdi Cade