Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Xassan Shiikh oo hal arrin uga mahad celiyey dowlada Turkiga (Sawirro)

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta magaalada Dhuusamareeb ku qaabilay Danjiraha Dowladda aan walaalaha nahay ee Turkiga Mudane Ibrahim Mete Yagli oo uu wehliyo Taliyaha Dugsiga Tababbarada Ciidamada ee TurkSom, Sarreeye Guuto Sebahattin Kalkan.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa masuuliyiintan kala hadlay xoojinta xiriirka iskaashi ee labada dal, gaar ahaan dhanka amniga.

Xassan Shiikh ayaa uga mahadceliyey Dowladda Turkiga taageerada ay mar walba la garab taagantahay Dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed ee ku jira halganka dib u xoreynta, dowlad-dhiska iyo horumarinta.

Dhankiisa, Danjiraha Dowladda Turkiga ee Soomaaliya Mudane Ibrahim Mete Yagli ayaa bogaadiyay dadaallada ay Dowladda iyo shacabka oo iskaashanayaa ay ugu jiraan ciribtirka al-shabaab iyo horumarka dalka, isaga oo hoosta ka xariiqay in Turkigu uu door wanaaagsan ka qaadan doono xaqiijinta Soomaaliya nabadoon, horumarsan oo ka caagan al-shabaab

Related posts

Xiliga uu furmayo Shirweynaha dib u heshiisiinta Galmudug oo la shaaciyey (Akhriso)

Caydiid Ali

Somaliland oo ka hor timid War-Murtiyeedkii IGAD & taliye ka tirsan NISA oo xilka laga qaaday

Caydiid Ali

Qaar kamid ah Ciidamadii lagu soo tababaray Eritrea oo goordhaw Muqdisho laga soo dejiyay

Cabdi Cade
Taboola Ads ---