Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Wasiiro heer federaal ah oo gaaray furumaha dagaalka Koonfurta Mudug (Sawirro)

Wasiirka Arimaha Gudaha, Kalluumaysiga, Xildhibaano ka Tirsan DFS iyo Galmudug iyo Masuuliyiin kale ayaa kormeer Dhiirigalin ah ugu tagay Ciidamada xoogga dalka ee Al-shabaab kula dagaalamaya duleedka degaanka Shabeellow ee koonfurta Gobolka Mudug.

Masuuliyiintan heer Federaal iyo Heer Dowlad Goboleed ayaa saraakiisha ciidamada la qaatay kulan Saacado qaatay kaasoo lagu gorfeeyey dagaalka lagula jiro Argagixisada, muddada loo qorsheeyey in degaanada Galmudug looga Ciribtiro, iyadoo ciidamada iyo Saraakiisha Hogaamineysa looga mahadceliyay jabkii ay gaarsiiyeenal-shabaab.

Howlgalka ka socda Koonfurta Gobolka Mudug ayaa laga gaaray guulo ballaaran iyadoo laga xoreeyey degaano badan oo ka tirsan koonfurta Mudug.

Ciidamada huwanta ayaa haatan ku wajahan degaanka Caad oo ka mid ah degaano kooban oo gobolada dhexe ay ka joogaan Al-shabaab.

Related posts

Howlgalo ka socda Muqdisho & Taliyaha NISA Fahad Yaasiin oo lagu eedeeyey..

Caydiid Ali

Daawo:-Golaha Aqalka Sare ee Soomaaliya oo ka dooday qodobo xasaasi ah

Caydiid Ali

Xukun dil ah oo maanta lagu riday Askari dil u geestay Wiil Dhalinayro ahaa

Cabdi Cade
Taboola Ads ---