Allbanaadir.com
NEWS

Buuq ka dhashay soo jeedin ku aadan Muddo kororsi loo sameeyo Madaxweyne Ruto

Buuq iyo hadal heyn badan ayaa ka dhalatay soo jeedin katimid senataro katirsan xisbiga talada dalka Kenya haya, kuwaa oo doonaya in muddada xil-heynta madaxweynaha lagu daro labo sanno oo dheeraad ah.

Senetarka Nandi Samson Cherargei oo katirsan xisbiga madaxweynaha Kenya ayaa soo jeediyay in muddo xileedka madaxweynaha oo hadda ah 5-sanno lagu daro labo sanno oo dheeraad ah lagana dhigo 7-sanno.

Waxa uu sheegay senatorka in madaxweyne William Ruto, sannad ku dhaw xilka haya u baahan yahay muddo dheeraad ah in loogu daro, si buu yiri u fuliyo waxna uga qabto ballan-qaadyadii uu sameeyay markii uu ololaha ku jiray.

Soo jeedinta senatarkan ayaa buuq iyo hadal heyn badan ka dhalisay gudaha Kenya, waxa ayna siyaasiyiinta mucaaradka tilmaameen in soo jeedintan muujinayo sida xisbiga talada Kenya haya u rabaan in muddo kordhin sharci-darro ah u sameestaan.

Shacabka dalka Kenya qaarkood oo aragtiyo ka dhiibtay soo jeedinta muddo kordhinta ayaa qaar badan oo kamid ah kahor-yimaadeen soo jeedintan, halka kuwa kalana taageereen, iyagoo sheegayay in madaxweynaha u baahan yahay waqti ku filan uu kursiga joogo.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka oo ka laabtay hadal uu dhowaan siiyey Warbaahinta

Caydiid Ali

Shir looga hadlayo Nidaamka casriga ah ee Diiwaangelinta Madaniga oo Muqdisho ka furmay (Sawirro)

Cabdi Cade

Qatar oo Halis cusub galisay Nolosha Dhalinyaradii Soomaaliyeed ee loo qaaday Eritrea !

Cabdi Cade
Taboola Ads ---