Madaxweynaha Dowlada Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa isku shaandheyn ku sameeyay golaha Wasiirada iyadoo Sidoo kale Madaxweynahu uu Magacaabay xubno cusub oo kamid noqonaya golaha Wasiirada Jubaland.
Wareegtada uu soo saaray madaxweynaha maamulka Jubbaland ayaa xilka looga qaaday qaar kamid ah wasiirradii hore ee maamulkiisa, waxaana la magacaabay wasiirro cusub oo xukuumadda Jubbaland kamid noqonaya.