Allbanaadir.com
NEWS

Madaxweyne Macron oo ka dhawaajiyay hadal ka farxiyay madaxda Milatariga Niger

Madaxweynaha dalka Faransiiska Emmanuel Macron ayaa cadaadis badan kaddib oggolaaday in diblumaasiyiinta dalkiisa iyo ciidamo ka jooga dalka Niger, si deg deg ah ugala baxo dalkaasi.

Emmanuel Macron ayaa ku dhawaaqay in ay uu u yeeranayo safiirkooda iyo diblamaasiyiinta kale ee kaga sugan dalka Niger, waxa uu sidoo kale sheegay in ay soo afjari doonaan iskaashiga milatari ee ay dalkaasi la’ lahaayeen.

Madaxweynaha Faransiiska ayaa sidoo kale oggolaaday in ciidanka dalkiisa ka jooga dalka Niger oo gaaraya kun iyo shan boqol kala baxaan dalkaasi dhammaadka sannadkan, ciidankan ayaana dagaal kula jiray kooxo islaamiyiin ah.

Hadalkan kasoo yeeray madaxweyne Macron waxaa soo dhaweeyay kuna farxay hoggaanka milatariga Niger ee dhawaan af-gembiga ku qabsaday dalkaasi, kuwaa oo horey uga dalbaday Faransiiska in ay dalkooda kala baxaan diblumaasiyiinta iyo ciidanka ka jooga.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

UNICEF: Gaajo iyo cudur ayaa cirka isku shareeri doona haddii Rafah la weeraro

Caydiid Ali

Madaxweyne Biixi oo Xadhiga ka jaray Shan Mashruuc oo waa weyn (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade

Dad ku sumoobay Kiimiko ku taadatay Laami kuyaala Magaalada Garawe (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---