Allbanaadir.com
NEWS

Dowladda oo Shaacisay in horjoogayaal badan Al Shabaab looga dilay Galmudug iyo Hirshabelle

Dowladda Soomaaliya ayaa guluf colaadeed ku qaaday kooxda Al Shabaab ee ku sugan deegaannada maamulada Galmudug iyo Hirshabelle, waxaana Al Shabaab laga saaray dhul baaxad weyn oo horey gacantooda ugu jiray.

Howlgalka dowladda Soomaaliya ka bilowday deegaannada Galmudug iyo Hirshabelle ayaa lagu dilay xubno aad u badan oo katirsanaa Al Shabaab, waxaana xubnahaasi ku jiray horjoogayaal iyo saraakiil sar sare oo Al Shabaab katirsan.

Wasiir kuxigeenka wasaaradda warfaafinta Soomaaliya Cabdiraxmaan Yuusuf Al-Cadaala ayaa sheegay inta badan horjoogayaashii Al Shabaab ee ku sugnaa deegaannada Galmudug iyo Hirshabelle laga dhigay kuwa la dilay iyo kuwa la dhaawacay.

Waxa uu sheegay wasiirka in jabhadihii Al Shabaab u dagaallami jiray ay gabaabsi sii yihiin, waxa uu sidoo kale xusay in Al Shabaab ka dhammaaday saadkii ayna wajahayaan xilligan xaalad adag.

”Qasaaraha kasoo gaaray Khawaarijta Hirshabelle iyo Galmudug waa mid ka culus inta la ogyahay, inta badan Horjoogayaashii Goboladaas waa wax dhintay, Dhaawacmay ama is dhiibay, Jabhadihii ayaa gabaabsi ah, Saadkiina waa dhamaad” ayuu yiri Al Cadaalada.

Dagaallo toos ah iyo duqeymo ay geesanayaan diyaarado dagaal ayaa lagu dilay xubno badan oo Al Shabaab katirsan, waxaana howlgalladii ugu dambeeyay Al Shabaab looga qabsaday deegaanno badan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

RW Khayre oo furay Wejiga 2-aad ee dib u habeynta Ciidanka Xoogga dalka (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali

Muuse Suudi:”Jubbaland waxaa ka dhacday doorasho xalaal ah oo lagu wada qancay”

Caydiid Ali

Iska horimaad ka dhacay Muqdisho iyo khasaare nafeed oo ka dhashay

Caydiid Ali
Taboola Ads ---