Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud Xasan Sheekh Maxamuud oo maanta dalka Jabuuti kula kulmay Wasiirka Difaaca Mareykanka, Lloyd Austin.
Qoraal ka soo baxay Villa Somalia ayaa lagu sheegay in Xassan uu Lloyd Austin warbixin ka siiyey dagaalka lagu ciribtirayo al-shabaab ee ka socda Soomaaliya iyo kor u qaadidda taageerada Mareykanka ee ciidamada xoogga dalka Soomaaliya.
Dhankiisa Mudane Lloyd Austin ayaa bogaadiyay horumarka dowlada Soomaaliya ka sameysay dagaalka ka dhanka ah argagixisada isagoo tilmaamay sida dowladda Maraykanka ay uga go’an tahay inay gacan ka siiyaan dowladda Soomaaliya xaqiijinta amniga iyo ladagaallanka argagixisada.
“Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa dul-istaagay dadaallada naf-hurnimada leh ee Shacabka Soomaaliyeed iyo Ciidaanka Xoogga Dalka ay kaga xoreynayaan argagixisada deegaannada kooban ay kaga sugan yihiin dalka, waxa uuna hoosta ka xariiqay in Khawaarijta Soomaaliya yahiin caqabad ku hor gudban horumarka gobolka iyo halis amni oo u baahan iskaashi caalami ah” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay Villa Somalia.