Madaxweynaha Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye oo howlo shaqo ugu maqnaa Muqdisho ayaa Dhuusamarreeb ku booqday gurigii uu ka baxay
Shiikh Maxamuud oo ahaa askari ka hor tagay gaari qarax laga soo buuxiyey oo la isku dayey isku qarxiyo Qoorqoor iyo wafdi la socday oo ku sugnaa degaanka Laas gacaney.
Madaxweynaha ayaa labada waalid ee dhalay mujaahid Axmed Fiiqane uga mahadceliyay geesinninamada ay ku barbaariyeen wiilkooda, isagoo Eebbe uga baryay inuu ku irsaaqo naxariistiisa.
Qoorqoor ayaa qoyska Axmed Fiiqane gudoonsiiyey lacag tacsi ah, isagoo balan-qaaday inuu kafaalo qaadayo nolosha qoyska iyo caruurta askarigaas naftiisa huray.
Booqashada Madaxweynaha waxaa qeyb ka ahaa Madaxweyne ku xigeenka Dowladda Galmudug mudane Cali Daahir ciid iyo guddoomiyaha Baarlamaanka Mudane Maxamed Nuur Gacal.
Qoortqoor ayaa sheegay inay soo aari doonaan Axmed Fiiqane isagoo xusay in dadka reer Galmudug aan lagu aqoon oohin ay caan ku yihiin aar gudashada.
“Dadkeena looma ooyee waa loo aaraa, waana ka soo aareynaa Khawaarijta, Hooyo, Aabe iyo dhamaan ehelka Fiiqane waan amaaneynaa, waa dad gob ah,” ayuu yiri Axmed Qoor Qoor oo dhinaca xusay inuu jiro tuhun ah in dad isaga la shaqeeya ay weerarkaas gacan ka geysteen, ayna socdaan baaritaano.
Askari ka tirsan ciidanka daraawiishta Galmudug oo magaciisa lagu sheegay Axmed Fiiqane ayaa fashiliyey qarax gaari laga soo buuxiyey oo loo waday in lagu laayo Madaxweynaha Galmudug iyo madax la socotay oo ku sugnaa degaanka Laas gacaneey 15kii bishan.
Markii uu arkay gaariga qaraxa waday oo Buruuf ahaa (Nooca aaney rasaastu karin) kuna soo socday dhanka dhismaha ay ku jireen madaxda waxaa lagu furay rasaas markii ay kari weysay ayuu Axmed Fiiqane qaatay gaari Cabdi cabdi ah, kana horgeeyey gaariga qaraxa waday, halkaas ayuuna ku geeriyooday.