Allbanaadir.com
NEWS

Madaxweynaha Jubbaland oo maanta saxiixay Saddex Xeer oo kala duwan (Akhriso)

Madaxweynaha dowlad goboleedka Jubaland Mudan Axmed Maxamed Islaam (Madoobe) ayaa maanta qasriga madaxtooyada u ah maamulkiisa ku saxiixay saddex Xeer oo maamulkiisa muhiimad gaar ah u leh.

Axmed Madoobe saddexda xeer uu maanta saxiixay ayaa horey waxaa u meel mariyay golaha Wakiilada iyo Xukuumadda, waxa ayna xeerarkan si ay dhaqan-gal u noqdaan sugayeen in uu saxiixo madaxweynaha.

Saddexda xeer uu saxiixay madaxweynaha ayaa kala ah:

1. Xeerka Hay’ada Waddooyinka Jubaland oo ay soo gudbisay Wasaarada Howlaha Guud iyo dib u dhiska.

2. Xeerka Sharciga kaluumeysiga iyo dhaqaalaha Buluugga ah oo ay soo gudbisay Wasaarada Kaluumeysiga dhaqaalaha Buluugga ah.

3. Xeerka Ilaalinta iyo Maareeynta Deegaanka oo ay soo gudbisay Wasaarada Deegaanka iyo Isbadalka Cimilada.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Muxuu Raisul Wasaare Khayre ku soo arkay xarunta Wasaaradda Caafimaadka? (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali

Golaha amaanka QM oo isku raacay xabad joojin deg deg ah & Israel oo ku gacan seyrtay

Caydiid Ali

Guddoomiye Mursal oo ka hadlay geerida Xildhibaan Axmed Mayow Cabdulle (Col. Ruush)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---