Allbanaadir.com
NEWS

Dagaal xooggan oo ka socda Dhagaxdheer iyo Daaday iyo dowladda oo ka hadashay

Ciidamada xoogga dalka oo gacan ka helaya ciidamada daraawiishta Galmudug iyo kuwa dadka deegaanka ayaa weerar xooggan ku qaaday tuulooyin la sheegay in ay ku sugnaayeen dagaallamayaal katirsan Al Shabaab.

Wararka aan heleyno ayaa sheegaya in dagaallo xooggan ka socdaan tuulooyinka Dhagaxdheer iyo Daaday oo hoostaga deegaanka Caad ee gobolka Mudug, dhulka dagaalka ka socdo ayaa la sheegay in uu yahay dhul howd ah ay ku sugnaayeen Al Shabaab.

Wasiir ku xigeenka Warfaafinta Xukuumadda Soomaaliya Cabdiraxmaan Yuusuf Al-cadaala ayaa sheegay in ciidanka huwanta ah dhowr jiho ka weerareen Shabaabkii joogay dhulka howdka, waxa uuna xusay in howlgalka jab xooggan lagu gaarsiiyay Al Shabaab.

Ciidanka dowladda Soomaaliya iyo kuwa deegaanka ayaa maalmihii lasoo dhaafay howlgalo ka waday deegaanno katirsan gobolka Mudug, howlgalka ayaana lagu dilay xubno badan oo katirsan kooxda Al Shabaab.

Diyaaradaha dagaalka dowladda Mareykanka oo gacan siinaya ciidanka xoogga dalka ayaana duqeymo culus ku garaacay dhulka howdka ah ee Al Shabaab gabbaadka ka dhigteen, waxaana duqeymahaasi lagu dilay xubno badan oo katirsan Al Shabaab.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Guddi uu Magaacabay taliyaha Booliska DF oo shaqo bilaabay

Caydiid Ali

Ruushka oo qaarada Afrika ka cafiyey deyn $20 bilyan gaareysa & Somalia oo..

Caydiid Ali

Golaha amaanka ee QM oo kulan deg deg ah la isugu yeeray

Caydiid Ali
Taboola Ads ---