Allbanaadir.com
NEWS

Ciidamada xoogga iyo kuwa Galmudug oo la siiyay Ammar ka dhan ah Al Shabaab

Kusimaha Madaxweynaha ahna Madaxweyne kuxigeen maamulka Galmudug Mudane Ali Dahir Eid ayaa Shir guddoomiyay shir lagu dardar-galinayay howlgalada ka dhanka ah kooxda Al Shabaab ee ku sugan qaybo ka mid ah Galmudug.

Shirkaan oo ay ka so qaybgaleen Wasiir kuxigeenka Amniga Galmudug ,saraakisha ciidamada kala duwan ee Qaranka iyo kuwa Galmudug ayaa lagu so dhaweyay hormarada Ciidamada Xoogga , Darwiishta Galmudug iyo Ciidanka Deeganka ay ka sameyeen Dagaalada ka dhanka ah Al Shabaab.

Madaxweyne kuxigeenka Galmudug oo shirkaan ka hadlay ayaa waxaa uu sheegay in Al Shabaab si xun loogu jabiyay Dagaalladii ugu danbeyay ee Galmudug ka dhacay, waxana u faray ciidamada in ay sii laba jibaaran sifaynta Al Shabaab.

Ugu Danbeyn Shirkaan ka dhacay magaalada Dhuusomareeb ee caasimadda maamulka Galmudug ayaa lagu kala qaatay awaamiir horleh oo sare logu qaadaayo amniga deegaannada uu gacanta ku hayo maamulka Galmudug.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Al Shabaab oo Weerar Gaadmo ah ku dishay askar katirsan ciidanka dowladda

Cabdi Cade

Wasiir Cilmi Maxamuud Nuur oo la kulmay Golaha Dhaqaalaha Qaranka (Daawo Sawirro)

Cabdi Cade

Wasiirka Gaashaandhigga oo laga dalbaday in jawaab kasoo bixiyo Musuqmaasuq dhacay

Cabdi Cade
Taboola Ads ---