Maxkamadda darajada koobaad ee ciidanka qalabka sida ee Soomaaliya ayaa maanta xukunno kala duwan oo xabsi ah ku riday , dad lagu helay in ay katirsanaayeen kooxda Al Shabaab.
Xubnaha lagu helay in ay katirsan yihiin kooxda Al Shabaab ee maanta xukunka lagu riday waxaa kamid ah Xaawo Cismaan Cabdi, oo aheyd gabar dhallinyaro ah oo kooxda Al Shabaab basaas u aheyd ,sidoo kale biskooladaha iyo bambooyinka u heyn jirtay.
Maxkamadda ciidamada qalabka sida ayeyna horteeda ka qiratay Xaawo Cismaan Cabdi in ay katirsaneyd kooxda Al Shabaab, waxaana gabadhan maxkamadda ku xukuntay sideed sanno oo xabsi ah.
Sidoo kale maxkamadda ciidamada ayaa isna ku heshay Cawil Aadan Jaamac in uu basaas u ahaa kooxda Al Shabaab, waxa ayna maxkamadda ninkan ku xukuntay toban sanno oo xabsi ciidan ah.
Maxkamadda ciidamada sida ayaa isna Xasan Cali Xasan oo ahaa nabadoon qurbojoog ahaa ku heshay in uu Al Shabaab dadka ugu geyn jiray goobaha ay joogaan isaga oo taksiile iska dhigaya, waxa ayna ninkan maxkamadda ku xukuntay hal sanno oo il ku heyn booliska ah.
Ugu dambeyn maxkamadda ciidamada qalabka sida ayaa xurriyadiisa u celisay Maxamuud Cabdi Xuseen oo isna ku eedeysnaa in uu katirsanaa Al Shabaab, ninkan ayaana maxkamadda ku weysay wax cadeymo ah.