Allbanaadir.com
NEWS

Lloyd Austin iyo Wafdi la socda oo gaaray Jabuuti lana kulmaya Madaxweyne Geelle

Xoghayaha Difaaca dalka Maraykanka Lloyd Austin iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa xalay gaaray dalka Jabuuti, waxaana garoonka diyaaradaha Jabuuti kusoo dhaweeyay madax katirsan dowladda Jabuuti iyo saraakiil ciidanka Mareykanka katirsan.

Lloyd Austin ayaa lagu wadaa in kulan gaar ah la qaato madaxweynaha dalka Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle iyo wasiirka difaaca Jabuuti, waxa uuna kala hadli doonaa arrimo muhiim ah oo la xariira dhinaca ammaanka .

Xoghayaha Difaaca ee Maraykanka ayaa sheegay in madaxda Jabuuti uu kala hadli doono sidii loo xoojin lahaa xiriirka adag ee difaac ee labada wadan u dhaxeeya iyo hawgallada milatari ee ka socda gobolka.

Waxa uu sidoo kale xoghayaha Difaaca dalka Maraykanka Lloyd Austin inta uu joogo dalka Jabuuti booqan doonaa xeryaha ciidamada Mareykanka ku leeyihiin dalkaasi, waxa uuna halkaasi kula kulmi doonaa saraakiisha iyo askarta Mareykanka ee joogta Jabuuti.

Xoghaya Difaaca dalka Mareykanka ayaa marka uu soo gabagabeeyo safarka uu ku tagay dalka Jabuuti tagi doono waddamo kale oo Afrika kuyaalla ay ugu horeeyaan dalalka Kenya iyo Angola, kuwaa uu iyana kala hadli doono arrimo khuseeya dhinaca Difaaca.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Itoobya oo bilowday wejiga labaad ee koronto dhalinta biyo xireenka webiga Nile

Caydiid Ali

Wasiir Fiqi oo Madaxweyne Xasan ka difaacay toosh weyn oo lagu ifiyay

Cabdi Cade

Dowlada federaalka oo Ciidamo badan maanta ka dejisay Degmada Luuq

Cabdi Cade
Taboola Ads ---