Ciidanka dembi-baarista ( CID) ee booliska Puntland ayaa xaqiijiyey geerida Mohamed Saalim Mohammed oo dhalasho ahaan ka soo jeeda dalka Yemen, kana tirsanaa Kooxda Daacish, kaa oo meydkiisa laga helay agagaarka degmadda Dhudhub ee gobolka Karkaar.
Ninkan ajnabiga ah ee katirsanaa kooxda Daacish ayaa booliiska Puntland sheegeen inta uusan geeriyoon kahor uu kayimid Kooxda uu ka tirsanaa, uuna la socday nin kale oo Soomaali ah, kaas oo hay’adaha amniga baadi-goobayaan ilaa hadda.
Ciidanka dembi-baarista CID ee booliska Puntland ayaa sheegay in meydka Mohamed Saalim la helay 02 September 2023, waxa uuna u geeriyooday gaajo iyo haraad sida ay booliiska sheegeen.
Ninkan katirsanaa Daacish ee gaajada u geeriyooday ayaana la ogeyn in xilligaasi uu baxsad ka ahaa kooxdii uu katirsanaa ama uu u socday howlgal ay u direen saraakiisha kooxda Daacish.
Booliiska Puntland ayaana dadka shacabka ah ka codsaday in ay lasoo wadaagaan xogaha kooxaha falalka amni darro ku lugta leh haddii ay arkaan, waxa ayna booliiska sheegeen in gacan bir ah ku qabanayaan kooxaha nabbad diidka ah.