Ciidanka xoogga dalka ayaa sheegay iney beegsadeen Goob ay ku shirsanaayeen saraakiil ka tirsan Al-shababa oo ku taala degmada Ceelbuur ee gobolka Galgaduud
War laga sii daayey warbaahinta DF ayaa lagu sheegay in duqeyn dhinaca cirka ah lagu laayey xubno ka tirsan Al-shabaab galabta.
“Hawlgal qorsheysan oo ay ka fuliyeen Ciidammada Xoogga Dalka Soomaaliyeed degmada Ceelbuur ee gobolka Galgaduud ayaa lagu laayey Horjoogayaal iyo Maleeshiyaad ka tirsan kooxda Khawaarijta oo ku shirayey guri ku yaala degmadaas” ayaa lagu yiri qoraal lagu baahiyey warbahainta DF.
Qoraalka ayaa intaas ku daray in Al-shabaab ay howlgalkaas ku weysay saraakiil uu ku jiray madaxii Maalliyadda ee gobolka Galgaduud oo lagu magacaabi jirey Sahal.
Taliyaha Guutada 26aad ee Xoogga Dalka G/le Ismaaciil C/maalik ayaa u xaqiijiyey in hawlgalkan oo dhinaca cirka ah sidoo kale lagu laayey dagaalyahano ka tirsan al-shabaab oo la socday saraakiisha  shirka lagu beegsaday