Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Dowlada Somalia oo talaabo qaaday ka dib qaraxii galabta ka dhacay Beled weyne

Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyed ee SoDMA ayaa Magaalada Baladweyne u dirtay Diyaarado soo daabulo dadka Shacabka ah ee ku dhaawacmay Qarixii cuslaa galabta ka dhacay Magaaladaas.

Agaasimaha xarunta Qaran ee Gurmadka Deg-degga ah ee SoDMA Mudane Xasan Ciise ayaa sheegay iney bilaabeen howlaha loogu gurmanaayo dadkii ku waxyeeloobay qaraxii maanta ka dhacay Baladweyne.

“Hay’adda SoDMA oo kaashanaysa Wasaaradda Gargaarka iyo maareynta musiibooyinka Hirshabelle iyo UNSOS Caawa waxay Magaalada Baladweyne u dirtay Diyaarado soo daabula dhawacyada culus ee Qaraxaas ku dhawacmay si isla caawa loo keeno magaalada Muqdisho” ayuu yiri Mudane Xasan Ciise.

Waxaa kaloo hey’adda SoDMA sii diyaarisay Gawaarida Gurmadka Deg-degga si dhawacyadaan ugu daabulaan Isbitaalada  Cafimaadka

Ugu yaraan labaatan qof oo badankood shacab ah ayaa la xaqiijiyay inay ku dhinteen qaraxan oo gaari xamuul loo adeegsaday halka tiro intaas ka badana ay ku dhaawacmeen

Qaraxan ayaa jugtiisa laga maqlay guud ahaan magaalada Beledweyne iyo nawaaxigeeda, waxaana la arkayay qiiq madow oo cirka isku shareeray, iyadoo aaga qaraxa ka dib la maqlay rasaas xoogan.

Wararka ayaa sheegaya in gaariga oo markii hore laga shakiyay ay ciidamada amnigu ku hakiyeen bar kontrol oo ku taalla xaafadda Xaawo Taako halkaasoo markiiba gaarigu ku qarxay  .

Related posts

Xamse Barre iyo Dhigiisa Masar oo arrimo xasaasi ah kawada hadlay (Sawirro)

Cabdi Cade

Maraykanka oo duqeeyey saldhig Xarakada Al-Shabaab ku laheyd bartamaha Somalia

Caydiid Ali

Wararkii Ugu Dambeeyay Cabsi Dagaal oo caawa ka jirta Muqdisho iyo Rasaas la maqlay

Cabdi Cade
Taboola Ads ---