Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Somalia iyo Koonfur Afrika oo kala saxiixday heshiis ka kooban qodobo muhiim ah

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha dibadda iyo iskaashiga Caalamiga ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Abshir Cumar Harruuse oo kulan doceed kula yeeshay magaaladda New York ee dalka Mareykanka dhiggiisa dalka Koonfur Afrika Naledi Pandor ayaa ka wada hadlay xariirka soo jireeen ah ee iskaashi ee ka dhaxeeda labada dowladood.

Wasiirka oo kulanka ka kadib qoraal soo saaray ayaa sheegay in dhigiisa Koonfur Afrika Naledi Pandor ay ka wada hadleen iskuna afgarteen arrimo kala duwan oo dan u ah labada shacab.

“Waxaan aniga iyo Wasiirka xiriirka caalamiga iyo iskaashiga South Africa H.E Naledi Pandor ku kala saxiixanay magaalada New York  heshiis Iskaashi oo dhabbaha u xaaraya inay labadeenna dal wadashaqayn buuxda ka yeeshaan arrimaha diblumaasiyadda, ammaanka, ganacsiga, la socodka xaaladda Jaaliyadda Soomaaliyeed ee South Africa iyo isu socodka guud”.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Abshir Cumar Harruuse ayaa dhiggiisa Wasiirka xiriirka caalamiga iyo Iskaashiga South Africa ka xog waramay taariikhda halgan ee labada dal iyo kaalintii dalkeennu ku lahaa gobonimo doonka South Africa, iyadoo Wasiirku ka mahadcelisay garab istaaggii dowladda iyo Shacabka Soomaaliyeed ay u muujiyeen xiliga midab kala sooca ka jiray Dalka South Africa.

Related posts

Guddoomiye Madaale oo amar siiyay guddoomiyaasha degmooyinka

Cabdi Cade

Musharaxiin qaylo dhaan soo saaray & booqashada Aaden Barre ee Kismaayo oo..

admin

K/Kuuriya oo War cusub ka soo saartay waxa ka jira geerida Kim Jong Un

Caydiid Ali
Taboola Ads ---