Allbanaadir.com
NEWS

Maamulka G/Hiiraan oo War ka soo saaray qaraxii lagu hoobtay ee Beledweyne

Maamulka gobolka Hiiraan ayaa si kulul u cambaareeyey qaraxii lagu hoobtay ee galabta ka dhacay magaalada Balad-weyne kaasoo sababay khasaare ballaaran

Ugu yaraan labaatan qof oo badankood shacab ah ayaa la xaqiijiyay inay ku dhinteen qaraxan oo gaari xamuul loo adeegsaday halka tiro intaas ka badana ay ku dhaawacmeen

Qaraxan ayaa jugtiisa laga maqlay guud ahaan magaalada Beledweyne iyo nawaaxigeeda, waxaana la arkayay qiiq madow oo cirka isku shareeray, iyadoo aaga qaraxa ka dib la maqlay rasaas xoogan.

Wararka ayaa sheegaya in gaariga oo markii hore laga shakiyay ay ciidamada amnigu ku hakiyeen bar kontrol oo ku taalla xaafadda Xaawo Taako halkaasoo markiiba gaarigu ku qarxay

HOOS KA  AKHRISO WAR-SAXAAFADEEDKA KA SOO BAXAY MAAMULKA GOBOLKA HIIRAAN.

Maamulka Gobolka Hiiraan waxuu Tacsi tiraanyo Leh u dirayaa ehelkii qarabadii iyo qoysaskii aay Ka Baxeen dadkii shacabka ahaa ee birimageeydada Ahaa ee khawaarijta quusta taagan aay ku xasuusqeen magaalada beledweyne.

Sidoo kale maamulka Gobolka Hiiraan waxuu u Tacsiyeey-nayaa askartii ciidanka xooga Dalka Soomaaliyeed ee shuhadada ahaa ee ayagoo Qaraxa hortaagan ee baarayo uu dhagarqabaha Shacabka ku haligay bartamaha magaalada Beledweyne, tani waa tilmaam muujineeyso sida khawaarijta aay naflacaariga u yahiin.

Shacabka reer hiiraan iyo dowladooda kama niyad Jabi doonan halganka aay ugu jiraan la dagaalanka  Khawaariijta Al-shabaab waxuuna u yahay Dhiirigelin iyo ineey iska dhameeys tiraan heeryada Khawaariijta.

-DHAMMAAD-

Related posts

Qaybta 3 aad :-Qisadii cajiibka aheyd ee Nebi Ibraahim CS iyo qoomkii loo diray

admin

Saraakiil iyo askar loo xiray weerarkii lagu qaaday hotelka SYL iyo baaritaano socda

Cabdi Cade

C/Kariin Xuseen Guuleed oo siyaasada dib ugu soo laabtay iyo Sababta keentay

Cabdi Cade
Taboola Ads ---