Madaxweynaha Dowlada Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta daahfuray shirka Maamulada Gobolada iyo Degmooyinka Jubaland oo ay soo qaban qaabisay Wasaarada arrimaha gudaha iyo Federaalaynta Jubaland.
Shirkan ayaa diirada lagu saarayaa afar qodob oo kala ah
1. Wada shaqaynta maamulada heerarkooda kala duwan iyo jaangoynta baahinta adeegyada bulshada.
2. Dhismaha golayaasha deegaanka iyadoo la tashiyo kala duwan lala samaynayo bulshada qeybaheeda kala duwan.
3. Arrimaha dib u heshiinta iyo ka shaqaynta nabadgalyada deegaanada.
4. Xoraynta deegaanada cadowgu haysto iyo sidii loo diyaarin lahaa waxyaabaha muhiimka ah ee ay u baahan yihiin dadka ku nool goobahaas.