Allbanaadir.com
NEWS

Dowlad Afrikaan ah oo loogu deeqay lacag dhan 127 Milyan dollar oo loogu tala galay…

Golaha Midowga Europe waxay maanta oo Jimco ah shaaciyeen inay Dowladda Tunisia ugu deeqeen Labo Xirmo Lacageed oo wadar ahaan dhan 127 milyan oo Dollar.

60 milyan oo Dollar waxaa loo qoondeeyey Taageerada Miisaaniyada (Budget support), halka 67 milyan oo kalena lagu Taageerayo Fulinta Is-Faham u dhexeeya Midowga Europe iyo Dowladda Tunisia (the implementation of the memorandum of understanding ).

Afhayeenada Golaha Europe, Ana Pisonero ayaa sheegtay in Taageerada Xirmada Koowaad ee Taageerada dalka Tunisia uu noqon doono Qandaraas oo degdeg loo bixin doono, iyadoo Asaas looga dhigayo Iskaashiga dhow ee labada dhinac ee La-dagaalanka Shabakadaha Tahriibinta Sharci-darada ah.

Dowladda Talyaaniga ayaa door muhiim ah ka qaadatay meel-marinta Heshiiska Is-Fahamka ee Midowga Europe iyo Dowladda Tunisia, si Kharajkaasi loogu bedesho Xakameynta Qulqulka Muhaajiriinta ka shiraacda Xeebaha dalka Tunisia, una soo tahriiba Jesiirada Lampedusa ee dalka Talyaaniga.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Reer Mandhera oo dalbaday in laga saaro C/rashiid Janan iyo ciidamadiisa & DF oo sheegtay..

Caydiid Ali

(Akhriso) Puntland oo shaacisay jadwalka doorasho qof & cod ah oo ka dhaceysa 3 degmo

Caydiid Ali

Xasan Shiikh oo qaaday talaabo kale ka dib ansixintii cutubyo ka mid ah dastuurka (Sawirro)

Caydiid Ali