Allbanaadir.com
MUQDISHONEWSWORLD NEWS

Boqolaal qof oo ku dhintay Tsunami ku dhufatay Jasiirada Pelu (Daawo Sawirro)

Ugu yaraan 400 oo qof ayaa la xaqiijiyey iney ku naf waayeen duufaan ka dhalatay dhulgariir cabbirkiisu gaaraya 7.5 oo ku dhuftay magaala xeebeedka Pelu ee dalka Induniisiya.

Hirka badda oo ka dhashay dhulgariirka iyo duufaanta culus wada socday ayaa wuxuu ku socday joog dhan 2 miitir wuxuu ku dhuftay magaalada Palu oo ku taallo Jasiiradda Sulawesi.

Muuqaal laga soo duubay masiibadaasi oo baraha bulshada lagu baahiyey ayaa waxaa ka muuqata dadka goobta duufaanta ku dhufatay ku noolaa oo kala cararaya iyo biya xoog badan oo guriyaha soo galaya.

Bishi August 5-teeda dhul gariir ku dhuftay jasiiradda Lombok ee Induniisiya waxaa ku dhintay dad ka badan 460 qof.

Dhulgariirka ku dhuftay bartamaha Sulawesi ayaa wuxuu saameeyey dhul dhan 10km.

Duufaanta Tsunami ee Pelu ku dhufatay oo horay digniin looga sii bixiyey, waxay ku dhacday saacada kaddib marki digniinta la shaaciyey.

Madaxa saadaasha hawada ee Induniisiya Dwikorita Karnawati ayaa wuxuu sheegay iney hadda duufaantu noqotay.

“Duufaanta iyo Dhulgariirka mar ku wada dhuftay Pelu waxay shacabka magaaladu ku abuurtay degganaasho la’aan iyada oo dad tira badan oo waddooyinka yaacaya la arkayo”.

2004-tii dhulgariir iyo duufaan tan la mid ah oo ku dhufatay jasiiradda Sumatra deegaannada ku gadaaman ee badda India waxaa ku dhintay 226,000 oo qof iyada oo 120,000 oo qof oo ka mid ah ay ku noolaayeen Induniisiya.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Xukuumadda oo wada qorshe dalka looga ceyrinayo Francisco Madeira iyo Sababta keentay

Cabdi Cade

Daawo:-Caqabadihii laga soo maray Aas aaska Maamulka Puntland iyo Ujeedka loo dhisay !!

Cabdi Cade

(Daawo Sawirro) Muxuu Wasiir Fartaag kala hadlay Danjire Alper AktaÅŸ?

Caydiid Ali
Taboola Ads ---