Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Madaale & Xildhibaano ka tirsan BFS oo gaaray degaanka Daaru-nicma (Sawirro)

Guddoomiyaha Gobalka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) oo ay wehliyaan Xildhibaano ka tirsan BFS, kan Maamulka Hirshabelle, Saraakiil iyo Mas’uuliyiin kale ayaa gaaray Degaanka Daaru-nicma ee Gobalka Shabeelaha dhexe.

Degaankan ayaa ka mid ah degaanada istiraatiijiga ah ahaa ee laga saaray al-shabaab bilihii la soo dhaafay, iyadoo Al-shabaab ay marar badan weeraro ku soo qaaday.

Masuuliyiinta ayaa deegaanka Daaru-Nicma ee hoostagta Degmada Ruunirgood ee Gobolka Shabeelaha Dhexe u tagay sidii ay ugu kuurgali lahaayeen xaaladaha Nololeed iyo Amni.

Waxay goob fagaare ah kula hadleen Ciidamada Xooga dalka iyo kuwa difaaca shacabka ee howlgallada sifeynta ka wada degaanadaasi.

Guddoomiyaha ayaa ciidanka qaranka iyo dadka deegaankaasi ku dhiirgaliyay sida naf hurnimada leh ee ay had iyo jeer ugu taagan yihiin la dagaalanka Al-shabaab.

Madaale ayaa ku amaanay ciidanka Qaranka, kuwa deegaanka iyo dadka kale sida geesinimada leh ee ay uga hortageen Al-Shabaab, isagoo kula dardaarmay iney difaacdaan degaanadooda.

Related posts

Netanyahu oo lagu casuumay Congreska Mareykanka & muran ka dhashay

Caydiid Ali

R/W Rooble oo tagay Dhismihii ay ka guurtay Safaarada Qadar iyo Jidka la furay (Sawirro)

Cabdi Cade

Dowladii ugu horeysay Yurub oo gebi ahaan Mamnuucday talaalka AstraZeneca

Caydiid Ali
Taboola Ads ---