Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Booliska Mareykanka dabagal dheer ka dib xiray basaas xog sir u gudbinayey dalka..

Nin ka howlgalayey waaxda cadaaladda iyo arrimaha dibedda Mareykanka ayaa la xiray, waxaana lagu eedeeyay inuu bixiyey xogo sir ah

Abraham Teklu Lemma oo 50 sano jir ah una dhashay Itoobiya balse heysta dhalashada Mareykanka ayaa lagu loo heystaa inuu xogaha sirta ah tan iyo bishii August u gudbinayay sarkaal lala xiriirinayo sirdoonka Itoobiya.

Waaxda cadaaladda Mareykanka ma magacaabin dalka uu u basaasayay, balse wargeyska New York Times iyo wargeysyo kale oo ka soo baxa Mareykanka ayaa sheegay in dalkaasi yahay Itoobiya.

Ninkan ayaa lagu soo oogay sadex eedeymo oo ay ka mid yihiin uruurinta ama gudbinta xogaha difaaca dalka Mareykanka.

Abraham oo deggan xaafadda Silver Spring gobolka Maryland ee dalka Mareykanka ayaa hadii ay ku cadaato inuu u basaasayay dalka Itoobiya muteysan doona xukun dil ah.

 

Related posts

Shirkii u soo xirmay DF & afar dowlad goboleed

Caydiid Ali

Saraakiil ciidan oo Dacwad ka gudbiyay Donald Trump Maxkamadna la koraya

Cabdi Cade

Immisa Laaluush ayuu Kenya Ugu Kici Doonaa Kursiga Golaha Ammaanka ee Q/Midoobay?

Cabdi Cade
Taboola Ads ---