Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Mareykanka oo dalab la xiriira xaalada Laascaanod u jeediyey Somaliland

Maraykanka ayaa soo dhoweeyey heshiiskii laga gaaray khilaafkii doorashooyinka Somaliland, kaasoo ay soo jeediyeen odayaasha dhaqanka beelaha

Sii hayaha xilka Safiirka Safaaradda Maraykanka ee Soomaaliya Shane Dixon oo booqday Hargeysa ayaa kulamo kala duwan la qaatay madaxda Somaliland, mucaaridka, iyo ururrada bulshada rayidka ah

“Maraykanka waxa farxad galisay heshiiska cusub ee siyaasadeed, ee ay ka soo shaqeeyeen odayaasha dhaqanka, waa talaabo togan oo loo qaaday xaga doorashooyin xor ah oo xalaala ah” ayaa lagu yiri qoraal ay soo saartay safaarada Maraykanka ee Muqdisho.

Danjire Shane Dixon ayaa madaxda Somaliland ku booriyay in arrinta Laascaanood lagu dhameeyo jid nabad ah iyo wadahadal, lagana fogaado colaad iyo dagaal.

Khilaafkii siyaasadeed oo soo taxnaa mudada sannadaha ah ayaa dhowaan heshiis laga gaaray kaasoo sababay inay dib u dhacdo doorashada madaxtooyada Somaliland ilaa dabayaqaada sanadka dambe.

Mareykanka ayaan mudooyinkan u muuqday inuusan la dhacsaneyn siyaasadaha Maamulka Muuse Biixi sababo la xiriira hubaal la’aanta ka jirtay dib u dhacyada is daba jooga ah ee doorashada Somaliland iyo qaabka uu Muuse Biixi u wajahay dagaalkii Laascaanood

HOOS KA AKHRISO WAR-SAXAAFADEEDKA MAREYKANKA

Related posts

Xukuumadda oo loogu baaqay in ay caddeyso isbadalka ku yimid Go”aan horey loo gaaray

Cabdi Cade

Guddoomiyaha cusub ee G/Banaadir oo booqday qoyska Marxuum Eng. Yariisow (Sawirro)

Caydiid Ali

Dowladda Soomaaliya oo shaacisay tirada Soomaalida kasoo carartay colaada Sudan

Cabdi Cade
Taboola Ads ---