Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Xaggee ku dambeeyey Khilaafkii u dhexeeyey Madaxweyne Qoorqoor & ku-xigeenkiisa?

Waxaa si rasmi ah loo soo afjaray Khilaafkii dhowaan ka dhex qarxay Madaxweynaha dowlad-goboleedka Galmudug Axmed Qoor-Qoor iyo ku-xigeenkiisa Cali Daahir Ciid.

Isagoo wareysi siinayay telefishanka Universal ayaa Cali Daahir Ciid waxa uu sheegay in la dhameeyay khilaafkii kala dhaxeeyay Madaxweyne Qoor-Qoor, wada-shaqeyntooduna ay caadi ku laabatay.

Khilaafka ayaa ka dhashay labo arrimood oo isku sidkan kuwaasoo kala ahaa xil ka qaadis lagu sameeyey wasiirka arrimaha gudaha galmudug iyo Gudoomiyihii degmada Caabudwaaq

“Arrimahaas ma aheyn khilaaf weyn waana laga gudbay. Galmudug saddex sano iyo bar ayay dhisan tahay waa khilaafkii koowaad ee banaanka u soo baxa, iyadana waa laga wada-hadlay haatana wax walba waa caadi,” ayuu yiri Cali Ciid.

Madaxweyne ku-xigeenka Galmudug ma faahfaahin heshiiska lagu xaliyey khilaafkaas hase ahaatee wararka qaar ayaa sheegaya in Madaxweyne Xasan Sheekh oo bil ka badan ku sugan Dhuusamareeb uu labada masuul ku cadaadiyey iney soo afjaraan khilaafkooda si uusan saameyn ugu yeelan dagaalka Al-shabaab looga saarayo degaanada Galmudug.

Related posts

Qoor-qoor oo 5 arrimood kala hadlay wakiilada beesha caalamka ee Somalia (Sawirro)

Caydiid Ali

(Faahfaahin) Dagaal culus oo ka dhacay Masaajid Cali Guduud iyo Sarkaal lagu dilay

Caydiid Ali

Maraykanka oo dib u eegaya talaabadii uu ciidamadiisa ugala baxay Somalia

Caydiid Ali
Taboola Ads ---