Wasiirka Arimaha Dibadda iyo iskaashiga Caalamiga ah ee Soomaaliya Abshir Cumar Jamaac “Huruuse” oo Ra’iisul Wasaaraha kala qeyb galaya shirkadda 78aad ee Golaha Loo-dhan yahay ee Jimciyadda Quruumaha Ka-dhexeyso ayaa kulan laba-geesood ah oo heerkiisu sareeyo Magaaladda New York kula qaatay Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka ahna Wasiirka Arrimaha Dibadda Jamhuuriyadda Serbia Mudane Ivica Dačić.
Wasiirada ayaa ka wada-hadlay xoojinta xiriirka laba-geesoodka ah ee ka dhexeeya Labada dal iyo sidii loo taabagelin lahaa iskaashiga xagga tacliinta, farsamada iyo ganacsiga iyo dhaqaalaha.
Ugu Dambayn labadda Wasiir ayaa ku ballamay qaabeynta qariidadda iskaashiga labada dal iyo inay derder geliyaan Mashaariicda horumarineed ee wadaaga ah, si labada dal iyo shucuubtooda loogu jaheyn lahaa wax wadaqabsi.
Soomaaliya iyo Serbia waxaa ka dhexeeya xiriir qotto dheer oo soo bilowday dabayaaqadii 1960kii; waxaana uu yahay mid ku dhisan wax-wada qabsi, iskaashi iyo is-ixtiraam Gobannimada, Madax-bannaanida, iyo wadajirka dhuleed ee labada dal.