Allbanaadir.com
NEWSWORLD NEWS

Madaxweyne Erdogan oo furay Masaajid ka mid ah kuwa ugu waaweyn Yurub (Daawo Sawirro)

Madaxweynaha Turkiga Erdogan ayaa maanta magaalada Cologne ee dalka Jarmalka ka furay mid ka mid ah masaajidada ugu weyn qaaradda yurub.

Furitaanka masaajidkan ayaa ka danbeysay kadib marki uu madaxweyne Erdogan ku tagay Jarmalka booqasho muran badan ka dhex-dhalisay gudaha Jarmalka, markii ay soo baxeen kumanaan ruux oo mudaaharaadayaal ah oo qaarna ay kasoo horjeedaan Erdogan qaarna ay taageerayaan.

Ciidamo farabadan oo boolis ah ayaa la dhigay magaalada Cologne si ay u ilaaliyaan amaanka.

Wadahadallo ay Jimcihi shalay wada yeesheen madaxweyne Erdogan iyo janselerka Jarmalka Angela Merkel ayay labada hogaamiye muujiyeen in ay yar isaga soo dhawaadeen mowqifyadi ad-adkaa ee dhinaca siyaasadda, hase yeeshee hogaamiyaha Jarmalka ayaa carrabka ku adkeysay in ay wali jiraan kala duwanaansho qoto dheer oo ku saleysan dhinacayda xuquuqda madaniga iyo arrimo kale.

Ku dhawaan 10 kun oo mudaaharaadayaal kasoo horjeeda Erdogan ayaa isugu soo baxay waddooyinka Cologne. Dadkaan ayaa ku eedeeyay madaxweyne Erdogan inuu caburiyay saxaafadda, gaboodfallo dhinaca xuquuqda aadanah iyo gacanta adag ee ay dowladdu kula dhaqanto Kurdiyiinta laga tirada badanyahay.

Kumanaan kale oo taageersan madaxweynaha Turkiga ayaa iyana isugu soo baxay bannaanka masaajidka weyn ee magaalada Cologne, ka hor inta uusan maanta madaxweyne Erdogan si rasmi ah xariga uga jarin masaajidkaasi.

In ka badan 25 kun oo ruux ayaa la sheegay in ay ka qeybgaleen xaflada furitaanka masaajidka Cologne oo ka mid noqday masaajidada ugu waaweyn ee qaaradda Yurub.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Guddoomiyaha Maxkamdaha sare ee dalka oo jeediyey hadal digniin ah

Caydiid Ali

Cabsidii ugu xooganeed oo ka taagan Muqdisho iyo Shacabka oo wadnaha farta ku haya

Cabdi Cade

Ciidamada amaanka oo gacanta ku dhigay Rag dilal ka geestay Boosaaso (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---