Allbanaadir.com
NEWS

Madaxweyne Biden oo arrimo Xasaasi ah uga digay Ra’isul Wasaaraha Israa’iil

Madaxweynaha dalka Maraykanka Joe Biden ayaa magaalada New Yourk kulan gaar ah kula yeeshay ra’isul wasaaraha maamulka Israa’iil Benjamin Netanyahu, waxa uuna kala hadlay arrimo xasaasi ah oo ka taagan dhulka Yahuuda xoogga ku heystaan.

Joe Biden ayaa kala hadlay Benjamin arrimo ay ka mid yihiin tallaabooyinka deegaan ballaarsiga ah ee ay Israa’iil ka waddo daanta galbeed ee la haysto, iyo isku dayada uu doonayo inuu wax kaga bedelo nidaamka garsoorka ee dalkaas.

Madaxweynaha dalka Mareykanka ayaana uga digay ra’isul wasaare Netanyahu in maamulkiisa ku fududaado in dhul balaarsi sameeyaan, sidoo kale wax ka bedel lagu sameeyo garsoorka dalkaasi, arrintaasi oo shacabku aad u diidan yihiin.

Kulankan labada masuul dhax maray ayaa noqonaya kii ugu horreeyey ee Biden uu la yeesho Netanyahu, taasoo ku soo beegmaysa, sagaal bilood ka dib markii uu ra’iisal wasaaraha Israa’iil soo dhisay xukuumaddiisa dhinaca midig u janjeerta.

Madaxweynaha dalka Mareykanka ayaa mar kale u ballan-qaaday ra’isul wasaaraha Israa’iil in ay sii wadi doonaan taageerada ay siiyaan maamulkiisa, waxa uuna kula taliyay in wax ka bedel ku sameeyo go’aannada qaar ee abuuri kara khalkhalka siyaasadeed.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Akhriso Casharadii Laga Bartay Doorashadii ka dhacday magaalada Dhuusomareeb

Cabdi Cade

Ra’iisul Wasaare Rooble oo kormeeray qaar kamid ah Isbitaallada Muqdisho (Sawirro)

Cabdi Cade

Dagaalo qaraar oo ka socda xadka ay wadaagaan dalalka Siiriya iyo Turkiga (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---