Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

DF & Q/Midoobay oo Guddi u Magacaabay arrin hadal heyn dhalisay

Warbixinta baarista Qaramada Midoobay ayaa muujinaysa daciifnimada ka jirta nidaamka qaybinta gargaarka bani’aadamnimo ee Soomaaliya sida lagu sheegay War saxaafadeed kasoo baxay hay’adda Maareynta masiibooyinka Soomaaliya.

Sidoo kale War-saxaafadeedka ayaa lagu sheegay in dowladda Soomaaliya iyo Qaramada Midoobay ay sameeyeen guddi soo saari doona istaraatiijiyad wadajir ah si loo yareeyo musuq maasuqa lagu sameeyo gargaarka.

Hay’addu waxay sheegtay inay ku dadaalayso hab cusub oo hubinaya hufnaanta, isla markaana yareynaya qandaraas-hoosaadyada lagu bixiyo mashaariicda gargaarka ee Soomaaliya

Hay’adda waxay sheegtay inay bilowday baaritaan ku aadan warbixintii ay soo saartay Qaramada Midoobay taasoo muujisay kiisas ku saabsan in la leexsado gargaarka gudaha dalka.

War qoraal ah oo hay’adda kasoo baxay ayaa lagu sheegay in Dowladda Soomaaliya ay si hagar la’aanta ah uga go’an tahay inay wax ka qabato eedeymahan culus.

SODMA waxay si aan gabasho lahayn u sheegtay inay si buuxda uga go’an tahay in dacwad lagu soo oogo dadka lagu helo inay mas’uul ka yihiin leexinta gargaarka.

Midowga Yurub ayaa si ku meel gaar ah u hakiyay taageeradii dhaqaale ee uu siin jiray barnaamijka cuntada adduunka ee WFP ee Soomaaliya, kaddb markii uu sheegay in xatooyo baahsan lagu sameeyey.

Related posts

Fariimo khal khal iyo kala carar abuuray oo loo diray shacabka gobolka Hawaii

Caydiid Ali

Al Shabaab oo war kasoo saartay Qaraxii lagu dilay Gudoomiye Axmed Muuse Nuur

Cabdi Cade

Burcad booliis iska soo dhigtay oo Garoon ka dhacay Dahab lagu qiimeeyay 30-Milyan Dollar

Cabdi Cade