Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Dr. Saciid Ciise: “Marka uu dal sameysanayo kaarka aqoonsiga dadweynaha waxaa lama huraan ah..”

Waa Heykal Sare ee Dowladnimo In Dadku Yeeshaan Kaarka Aqoonsiga Wadanka

Wadamada adduunka dhamaantood waxey leeyihiin kaarka aqoonsiga wadanka oo loogu talagalay in dadka ay wadanka gudihiisa u adeegsadaan aqoonsigooda ay ku muujinayaan tilmaantooda gaar ahanayd oo ku suntan shaqsiyadnimadooda, kaarkaas aqoonsiga oo dadka wadanka gudihiisa ku nool looga baahan yahay iney markasta wataan ayaa waxey guud ahaan haysashadiisa waajib uga dhigeysaa dhamaan dadka wadanka u dhashay iyo gaar ahaan shisheeyaha dalka ka haysta sharciyadda degenaanshaha rasmiga ah.

Soomaaliya waxey bilowday 2014ka in dalkeedu yeesho dukumentiyo aqoonsi qaran oo lagu xirfadeeyey aqoonta cusub ee farsamooyinka teknolajiyada casriga ah oo caalamka loo adeegsado sameeynta dokumentiyada rasmiga ah ee dalku leeyahay, sida buuga aqoonsiga basaboorka dalku leeyahay iyo kaarka basaboorka, waxaana hadda suurtogal noqotay daboolida baahida loo qabo in dalku yeesho kaarka aqoonsiga wadanka oo ay dadweynuhu qaadan karaan, waxeyna tilaabadaas ay buuxineysaa kaalinta ay gabtey maamul goboleedyada dalka oo aan yeelan sharciyada bixinta aqoonsiga dadweynaha ku nool deegaanadooda.

Marka uu dal sameysanayo kaarka aqoonsiga wadanka ee uu dal iska leeyahay, waxaa lagama maarmaan ah in marka hore loo sameeyo qaynuunka loo curiyey hawlgelintiisa, islamarkaasna in la waafajiyo sharciyadiisa habraaca loogu tixgelinayo dhaqanka, diinta, qaabdhismeedka bulshada, iyo u adeegida siyaasadda guud ee dalka, waxaana sidoo kale kaarka xeerarkiisa lagu saleynayaa habka ugu haboon oo ficil ahaan dhaqangelintiisa ay bulshada uga dhex shaqeyn karto adeegsigiisa, iyadoo aan loo baahan abuurista xasarado siyaasadeed oo dhaliya ismaandhaaf u dhexeeya dadka, dowladda, iyo siyaasiyiinta.

Waxaa marka hore si dhaba loogu baahan yahay in kaarka aqoonsiga cilmi ahaan loo qeexo ujeedada siyaasadeed ee ka dambeysa isticmaalidiisa, taas oo ka turjumeysa siyaasada dowladda ee dhaqan-dhaalah bulshada oo ka lifeysa baahida dadka, dalka, iyo dowladdu ay meelmarintiisa u sameyneyso, taas oo salka ku heysa qeexida aqoonsiga qof ahaanayd oo ay ku jiraan tilmaamaha sawirka qofka, da’diisa, midabkiisa, nuuca daabacaada indhihiisa iyo farahiisa, jinsigiisa, magaciisa, cinwaanka meesha uu degen yahay, taariikhda kaarka la soo saaray iyo taariikhda uu dhacayo, magaca hayadda soo saaratay, dhererka iyo miisaanka qofka, kaarka aqoonsiga lambarkiisa, lambar sireedka qofka, saxiixa qofka, iyo iney tahay inaan lagu qorin kaarka aqoonsiga meesha uu qofku ku dhashay oo tilmaan buuxda ka bixineysa qabiilka qofka iyo wadaniyadiisa oo labaduba ay keeni karaan heybsooc iyo tuhun laga qabo in wadaniyada Soomaalida qaarkeed dalal kale loo hibeynayo lahaanshahooda.

Kaarka aqoonsiga ee uu dal leeyahay ma ahan mid cadeynaya qofka dhalashadiisa wadaninimo ama dalka uu asal ahaan ku dhashay ama inuu yahay qof dalka u dhashay ama ajnebiya oo si rasmiya u degen, balse ay tahay in kaarka loo fahmo oo keliya inuu yahay mid loo adeegsado aqoonsiga qof ahaanayd ee u ogolaanaya in lagu furan karo akoon bangi, shatiga baabuur wadida, sameysiga basaboorka, shatiga haysashada hubka, diiwaangelinta codeynta, goosashada tikidhada diyaaradaha, aqoonsiga safarada duulimaadyada gudaha, barista dembiyada, barista booliska, iyo codsiga wadaniyada, laakiinse waxey aqoonsigaas ay caqabad ka haysataa adeegsigiisa dadka raba iney ku maraan wadooyinka magaalada ee dowladda u xiran, dadka ku nool miyiga, iyo dadka ku nool dhulalka Soomaaliyeed ee jamhuuriyadda deriska la ah oo uu dastuurka dalka u ogol yahay iney yihiin wadaniyiin Soomaaliyeed.

Sharciyada loo adeegsanayo iney saldhig u noqdaan isticmaalka kaarka aqoonsiga wadanka ayaa waxey tahay iney aqoonsi sharciyadeed ay ka haystaan dalka, waxeyna taasi ay u baahan tahay in sharciyeynta lagu dhaqangelinayo inuu ahaado kuwo ay ogolaanshahooda ay ugu ansixiyaan xildhibaanada baarlamaanka oo ah mudaneyaasha ka tirsan haydada dowladda ugu qaabilsan sharci dejinta, islamarkaasna wakiilo uga ah maslaxada siyaasadeed ee dadka iyo dhowrista sareynta dastuurka oo ay ku urursan yihiin habraacista dhamaan sharciyada dalka u degsan.

Waxyaabaha looga baahan yahay in kaarka aqoonsiga dalka ay tahay inuu leeyahay ayaa waxaa ka mida inuu cadeeyo da’da lagu qaadan karo, inuu qasab ka dhigayo dadku iney markasta wataan, in ganaax lagu muteysanayo qofkii aan wadan, in qowmiyadda isirka qofka wata lagu qorayo, in la siiyo lambar sireed u gaara qofka sita, iyo in mudo xileedka uu dhacayo uusan ka yaraan 5 sano, waxaana ka fiirsasho u baahan inaan kaarka aqoonsiga uusan bedelkooda gelin dokumentiyada muujinaya dhalashada wadanka, haysashada jinsiyada wadanka, iyo asalkiisii hore qofka dalka uu ka soo jeedo, kuwaas oo ay cadeynayaan, warqada dhalashada, sugida, iyo basaboorka .

In dadku ay leeyihiin kaar aqoonsi wadan waxey xoojineysaa midnimada dalka oo xuquuqda wadaniyadeed si mideysan shacabka Soomaaliyeed meel kasta oo ay ka degen yihiin dalka awood u siineysa xuquuqdooda wadaniyadeed oo ay ugu horeyso inuu ku noolaan karo meesha ay doonayaan iney dalkooda uga noolaadaan, iyadoo qabyaalad deegaaneysiga iyo goboleysiga aysan wax saameyna aysan ku yeelan doonin xuquuqdooda wadaniyadeed iyo mida deegaaneed oo ay leeyihiin, waxeyna sidoo kale ay heysashada kaarka aqoonsiga wadanka ay xoojineysaa isfahamka, isdhexgalka, wax isweydaarsiga ganacsiga, iyo xoojinta xoriyadaha isku socodka, wuxuuna si gaar ahanayd uu waxtar weyn ugu leeyahay bulshooyinka ku nool xuduudaha uu dalku la wadaago wadamada deriska iyo kuwa wadamada isbahaysiga Geeska Afrika iyo Bariga Africa oo mustaqbalka dhow laga yaabo in la isku furo isku socodka dadka ku wada nool gobolka.

Wasaaradda arrimaha gudaha iyo amniga ayaa looga baahan yahay iney abuurto sharci ahaan hayadda u xilsaaran soo saaridda kaarka aqoonsiga wadanka, taas oo looga baahan yahay iney si hubanti leh u hayso dhowrista keydka diiwaangelinta iyo macluumaadka shaqsiyadeed ee dhamaan dadaka wadanka u dhashay iyo kuwa shisheeyaha ah oo sida joogtada ah u degen, waxaana loo baahan yahay sirtaas shaqsiyadeed ee dadku ay leeyihiin in laga ilaaliyo iney gacanta u gasho shirkado macaash doona iyo kuwa sirdoonka shisheeyaha oo macluumaadkaas u adeegsan kara iney ku bartilmaameystaan shaqsiyaaadka ay doonayaan iney naftooda iyo maalkooda ay dhagar u maleegaan, iyo sidoo kale in macluumaadkaas lagu faafiyo baraha bulshada.

Hayadaas waa mida keliya ee keydkeeda ay si hubanti leh ay u adeegsan karaan laamaha amniga, booliska baarista, sirdoonka, keydadka dembileyaasha ee hayada dembibaarista, tirokoobka, diiwaangelinta codbixinta doorashooyinka, shaqaaleynta, xaqsiinta danyarta iyo hawlgabka, iyo qaadashada deymanka maalgashiga ee shirkadaha wax soo saarka badeecadaha dalka, waxaana shirkadaas waajib ku ah cilad ka dhowrista kaarka aqoonsiga wadanka, taas oo xaqiijinteeda muhiim ka dhigeysa in qaadashadiisa lagu xiro dokumentiyo cadeynaya tilmaamaha qofka sida warqada dhalashada, sugnaanta, iyo kuwii kale oo la mida, kuwaas oo saldhig aasaasa oo adag looga dhigo qaadashada kaarka, waxeyna tilaabadaas ay hubanti ka dhigaysa ku kalsoonaanta macluumaadka uu kaarku xambaarsan yahay.

Magaca kaarka wuxuu noqonayaa kaarka aqoonsiga wadanka (national identity card), waxaana sidaas looga duwayaa aqoonsiyada kala duwan ee isla dalkaas ka soo baxa oo wata magaca kaarka aqoonsiga (identity card), kuwaas oo ay soo kala saaraan maamul goboleedyada, wasaaradaha, hayadaha, ciidanka, shaqaalaha, shirkadaha, iyo ururada aan dowliga ahayn, waxaana hayadda soo saareysa looga baahan yahay iney leedahay tayada ay ku hubineyso suurtogalnimada ineysan dhici karin hal qof oo isku mida oo wata laba magac oo kala duwan inuusan yeelan laba kaar oo wada ah aqoonsiga wadanka oo ka wada diiwaangashan hayada u xilsaaran soo saarida kaarka, haddii ay sidaasina dhici weyso waxey taas halis weyn ku tahay kalsoonida lagu qabi karo tayada hayadda iyo hubantida lagu aamini karo macluumaadka ku qoran kaarka aqoonsiga wadanka oo ay soo saarto.


Dr. Saciid Ciise Maxamud
Gudoomiyaha Xisbiga Dimoqaradiyada Dadka
Saciidciise258@aol.com

Related posts

Isir sifeyn ka socota Tigray oo la ogaaday iyo Warbixin Qarsoodi ah oo laga diyaariyay

Cabdi Cade

Madaxweyne Uhuru Kenyatta oo Cadeeyay in uusan ku farxin guushii William Ruto

Cabdi Cade

Farmaajo oo Caqabado kala kulmaya Gobolka uu ku loolamayay ee Gedo !

Cabdi Cade