Allbanaadir.com
NEWS

(Sawirro) Shirka Golaha QM oo ka furmay New York & Xamse & wafdigiisa oo..

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Hamza Abdi Barre iyo wafdiga uu hoggaaminayo ayaa ka qayb galay furitaanka Kalfadhifga 78aad ee Golaha Loo Dhan Yahay ee Qaramada Midoobay oo saaka si rasmi ah uga furmay xarunta QM ee New York.

Dagaalka Ukraine wuxuu u badan yahay inuu noqdo mawduuca ugu weyn ee sanadkii labaad oo isku xiga, marka hoggaamiyayaasha caalamka ay isugu yimaadaan Golaha Guud ee Qaramada Midoobay todobaadka soo socda.

Laakiin dalal badan oo soo koraya oo Somalia ay ku jirto ayaa rajeynaya inay iftiimiyaan arrimaha muhiimka u ah iyaga oo ay ka mid yihiin horumarka, sicir bararka iyo isbedelka cimilada.

Madaxweynaha Joe Bienden ayaa ka codsaday hoggaamiyeyaasha adduunka iney taageero u muujiyaan Ukraine ka dib duulaankii Ruushka.

Cinwaanka Biden ee isu imaatinka sanadlaha ah wuxuu ahaa dhacdada dhexe ee booqashadiisa saddexda maalmood ee ku tagey New York, oo ay ku jiri doonaan shirar ay la socdaan madaxyada shanta qarada Aasiyaanka ah, iyo hoggaamiyeyaasha reer Israel iyo Brazil.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Hamza Abdi Barre ayaa la filayaa inuu khudbad ka jeediyo shirka, taasoo uu uu kaga hadlayo xaaladihii ugu dambeeyey ee Somalia, horumarka dowladu ka gaartay dhinacyada amaanka, la dagaalanka Al-shabaab, dhaqaalaha iyo dowlad wanaaga.

Related posts

Duqa Muqdisho oo soo saaray warqad lagu baa’bi’inayo sharciyada loo sameystay dhulka….

Cabdi Cade

Saxaafada madaxa banaan oo laga Mamnuucay shirka beri ka furmaya Garowe

Caydiid Ali

Soomaali dilal geystay oo Maxkamad lagu soo taagay dalka Jarmalka (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---