Allbanaadir.com
NEWS

Malaayiin Dollar oo loogu deeqay ciidanka XDS ee dagaalka kula jira Al-shabaab

UK ayaa ku dhawaaqday lacag dheeraad ah oo dhan 5 milyan oo gini oo loogu talagalay taageerada Ciidamada Ammaanka Soomaaliya, taas oo loo marinayo Sanduuqa Taageerada Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOS).

Lacagtan cusub ayaa lagu shaaciyay kulan dhex maray La-taliyaha Amniga Qaranka Soomaaliya, Xuseen Sheekh Cali iyo Ku-xigeenka La-taliyaha Amniga Qaranka UK ee Arrimaha Caalamiga, Dame Sarah MacIntosh, mar ay booqasho ku timid Soomaaliya todobaadkii hore, sida lagu sheegay bayaan soo baxay dowladda UK.

“Iskaashiga amniga ee UK iyo Soomaaliya wuxuu muhiim u yahay sidii xasilooni iyo amni loogu soo dabbaali lahaa Soomaaliya iyo gobolka. UK waxay sii wadi doonaa taageerada dadaallada ay Soomaaliya hormuudka ka tahay ee lagula dagaallamayo argagixisada iyo soo celinta xasilloonida meelaha dib looga soo qabsado ee dalka.” ayay tiri Dame Sarah.

Bayaanka UK ayaa intaas ku daray ‘Iskaashiga u dhexeeya UK iyo Soomaaliya ee dhinacyada amniga, dhaqaalaha iyo horumarinta ayaa Soomaaliya u horseedaya mustaqbal wanaagsan.’

UK ayaa sheegtay sii wadi doonto taageerada ay siiso dowladda Soomaaliya ‘si ay u hesho Soomaaliya xasilloon oo ammaan ah.

 

Related posts

Ciidamada Ahlu sunna oo qaaday talaabo ka careysiin karta dowlada federaalka

Caydiid Ali

Ciidanka Danab oo burburiyey fariisimo Al-Shabaab ku lahaayen Cali Yabaal (Sawirro)

Caydiid Ali

Madaxweyne ku xukuman xabsi 30 sano ka badan oo Isbitaalka loola cararay

Caydiid Ali
Taboola Ads ---