Allbanaadir.com
NEWS

Xaalada adag oo heysata Shaqaalaha iyo ciidamada Maamulka Puntland

Shaqaalaha iyo ciidamada Puntland ayaa waxaa heysata mushaar la’aantii ugu wakhtiga dheerayd ee Puntland soo marta tan iyo markii la as-aasay sannadkii 1998.

Dhammaan shaqaalaha iyo ciidamada kala duwan ee dowladda ayaan wax mushaar ah qaadan in ka badan lix bilood sida ay xaqiijinayaan ilo wareedyo kala duwan.

Maamulka Deni ayaa taariikhda Puntland ku galay dowladdii u horraysay ee mudda lix bilood oo xiriir ah aan bixin wax mushaar ah shaqaale iyo ciidan.

Shaqaalaha iyo ciidamada dowladda oo ku shaqeeya duruuf adag ayaa ka cabanaya mushahar la’aanya gaamurtay oo saameyn ku yeelatay nolosha kumanaan qoys oo shaqaalahaas ku hoos nool.

Lama oga sababta mushahar la’aanta keentay, balse wararka qaar ayaa sheegaya in Deni uu dhaqaalihii mushaharka lagu bixin lahaa u isticmaalay danihiisa gaarka ah ee siyaasadeed, ka dib markii culeyso badan uu kula kulmay qorshihiisa muddo kordhinta oo weli uusan ka tanaasulin.

Sidoo kale, warar soo baxaya ayaa sheegaya in Mashruuca dhismaha garoonka kubadda cagta ee Boosaaso uu qarka u saaran fashil kadib markii Mamaulka Madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni uu arrimo siyaasadeed u isticmaalay lacagtii loogu tala-galay  oo ay horey u bixisay dowlada Imaaraadka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Al Shabaab oo Shaacisay Sababtii ay u weerareen xarunta Wasaarada Shaqada

Cabdi Cade

Ciidamo ku heyb ah Madaxweyne Farmaajo oo weerar ku qaaday Guriga Cismaan Macalimuu

Cabdi Cade

Daawo Sawirro: Shiikh Shaakir oo Raali geliyey Xaliimo Yarey iyo Wafdigii la socdey

admin
Taboola Ads ---