Allbanaadir.com
NEWSSOMALILAND

Madaxweyne Biixi oo magacaabay xubnaha cusub ee Komishanka xuquuqul Insaanka (Magacyada)

Madaxweynaha maamulka  Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi ayaa maanta  wareegto Madaxweyne uu soo saaray ku magacaabay xubnaha cusub ee Komishanka xuquuqul Insaanka u qaabilsan Somaliland.

Wareegtada uu soo saatay madaxweyne Muuse Biixi ayaana ku magacaabay todobo xubnood oo noqonaya Komishanka xuquuqul Insaanka Somaliland, xubnahan uu magacaabay madaxweynaha ayaana dhammaan wada rag ah.

Xubnahan oo sida sharcigu dhigayo ay soo xuleen guddida xulista xubnaha Komishanka Xuquuqul Insaanka oo madaxweynaha u soo gudbiyey 14 xubnood, si uu ugala soo baxo madaxweynaha todobo xubnood uguna soo saaro xubnahan wareegto rasmi ah.

Halkan ka Akhriso Wareegtada uu soo saaray madaxweynaha

Wareegto Madaxweyne
MagacaabidMarkaan Arkay: Qodobka 90aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;Markaan Arkay: Xeerka Komishanka Xuquuqul Aadamaha, Xeer Lr. 39/2010;

Markaan Arkay: Qodobka 90aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;

Markaan Arkay: Xeerka Komishanka Xuquuqul Aadamaha, Xeer Lr. 39/2010;

Markaan Helay: Qoraalka Guddida Xulista Xubnaha Komishanka Xuquuqul Aadamaha;

Markaan Tixgeliyey: Ahmiyadda Komishanka Xuquuqul Aadamuhu u leeyahay Dhismaha, Sumcadda iyo Horumarka Qaranka;

Markaan Sameeyey: La-tashi;

Waxaan Go’aamiyey;

In laga bilaabo taariikhda maanta aan u magacaabo xubnaha hoos ku xusan in ay noqdaan Xubnaha Komishanka Xuquuqul Insaanka Qaranka:

Tir Magaca Xilka

1. Maxamed Baaruud Cali Xubin
2. Maxamed Xasan Caalin Xubin
3. Mustafe Cali Cismaan Xubin
4. Baashe Maxamuud Faarax Xubin
5. Maxamed Jaamac Ibraahin Xubin
6. Cabdiraxmaan Cismaan Cabdulle Xubin
7. Muuse Jaamac Cigge Xubin

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Jowhar: Maxay ka wada hadleen Cali Guudlaawe & Wakiilka QM ee Somalia? (Sawirro)

Caydiid Ali

Dowlad Afrikaan ah oo loogu deeqay lacag dhan 127 Milyan dollar oo loogu tala galay…

Cabdi Cade

Madaxweyne Farmaajo oo la sheegay in ay ku dhacday sadex dharbaaxo oo xiriir ah

Cabdi Cade
Taboola Ads ---