Allbanaadir.com
NEWS

Wasiirka Difaaca oo kormeer ugu tagay Ciidamo katirsan Kumaandooska dalka (Sawirro)

Wasiirka Difaaca Soomaaliya Cabdulqaadir Maxamed Nuur iyo Taliyaha ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa kormeer shaqo ugu tagay ciidamada kumaandooska Gorgor iyo Danab ee ku sugan magaaladda Dhuusamareeb ee caasimadda Galmudug.

Wasiirka iyo Taliyaha ayaa ciidanka ku boggaadiyey shaqada adag ee ay u hayaan shacabka Soomaaliyeed, lana joogo waqtigii si buuxdo dalka looga xoreyn lahaa Khawaarijta, waxayna kula dardarmeen inay sii labo jibaaraan howlahooda shaqo ee ah Xoreynta dalka.

Taliyaha ciidanka xoogga dalka oo la hadlay ciidanka katirsan kumaandooska Danab iyo Gorgor ayaa sheegay in dalku ku jiro xaalad dagaal, waxa uuna ciidankan ugu baaqay in diyaar u noqdaan howlgalo ka dhan ah Al Shabaab.

Wasiirka Difaaca Soomaaliya ayaa dhankiisa ciidamada ku ammaanya sida ay heegan ugu jiraan difaaca dalka iyo dadka, waxa uuna ciidamada ku booriyay in ay u diyaar garoobaan howlgalkii ugu dambeeyay ee Al Shabaab looga saari lahaa Galmudug.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Somaliland oo caawa ku dhawaaqday Xabbad Joojin hal dhinac ah

Cabdi Cade

Bilad Madaxweyne oo gaari lagu dhax xaday iyo Sargaal Milatari oo loo xiray

Cabdi Cade

Kenya oo hal arrin darteed Ciidamo badan usoo dhoobtay xadka ay Soomaaliya la wadaagto

Cabdi Cade
Taboola Ads ---